Taliska ciidanka Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa goordhow warsaxaafadeed kasoo saaray weerarka cag-marinta ah ee mujaahidiintu kula wareegeen gacan ku haynta degmada Moqokori ee bariga wilaayada islaamiga ee Hiiraan, halkaas oo maalmihii u dambeeyay maleeshiyadii ku sugnaa ay wajahayeen xaalad qoobgariir ah.
Taliska ciidanka mujaahidiinta ayaa bayaanka ku faahfaahiyay qaabka howlgalku ku billowday iyo sida ugu dambayn gacanta mujaahidiinta usoo gashay Moqokori, wuxuu dhanka kale xaqiijiyay in dagaalka maanta ka dhacay degmada Moqokori iyo duleedkeeda lagu dilay ilaa 47 murtad oo intooda badan bakhtigooda looga cararay goobaha dagaalka, waxaana lagu dhaawacay 65 kale.
Taliska ciidamada ayaa yiri ”Khasaaraha cadawgu intaas waa uu ka badan karaa iyadoo maydad horled laga helayo dhulka duurka ah ee ay murtadiintu u firxadeen. Cadawga lagu dilay dagaallada maanta waxa kamid ahaa saraakiil horjoogayaal u ahaa dagaalka ashahaado la dirirnimada ah ee ay saliibiyiinta iyo murtadiintu ku soo qaadeen umadda Soomaaliyeed ee Muslimka ah. Mujaahidiinta ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hub, saanad iyo maxaabiis laga qabtay cadawgii lagu jebiyay dagaalka Moqokori”.
Halkan Ka Degso Warsaxaafadeedka Taliska Ciidanka Oo PDF Ah.
Ama hoos ka akhriso.