Andalus Podcast, waa barnaamij toddobaadle ah oo ka baxa idaacadda islaamiga Al-andalus maalinkasta oo khamiis ah, waxaa marti ku ah shakhsiyad waayo joog ah oo umadda Soomaaliyeed u faa’iideyn kara tagtadii soo martay iyo waxyaabihii laga dhaxlay.
Dhanka kale barnaamijka waa mid aqon kororsi ah, waxaana lagu gorfeeyaa mawaadiic mugleh oo wax tar uleh umadda Soomaaliyeed.
Toddobaadkaan waxaa barnaamijka marti ku ah Ustaad Abuu Muxamad oo ka mid ah aqoonyahanka Soomaaliyeed, waxna kusoo bartay dhulka barakaysan ee Shaam, wuxuu barnaamijku kaga jawaabi doonaa su’aalo dhowr ah oo ay ka mid yihiin_waa maxay Dariiqa ugu wanaagsan ee lagu baran karo cilmiga sharciga?, Maxayse yihiin caqabadaha ugu badan ee ardayda ka hortaagan barashada culuumta shareecada?.
Halkan ka dhagayso xalqada maanta ama hoos ka dhagayso dhammaan xalaqaadka kale.