Ciidamada mujaahidiinu waxay saacadihii lasoo dhaafay fuliyeen weeraro isugu jira qaraxyo iyo dagaallo toos ah oo lala beegsaday maleeshiyaadka murtadiinta iyo saliibiyiinta Kenya.
Howlgalka koowaad oo qarax ah waxay ciidanka mujaahidiintu la beegsadeen maleeshiyo murtadiin ah oo isbaaro u tiillay gudaha magaalada Beledweyne, waxaana jira khasaaro gaaray murtadiinta.
Howlgalka labaad oo isagana qarax ah, faahfaahina ay kasoo baxayso waxay mujaahidiintu la beegsadeen kolonyo isugu jirta ciidanka kuffaarta Kenya iyo maleeshiyo murtadiin ah oo ku socdaalayay inta u dhaxaysa magaalooyinka Mandheera iyo Raama ee ka tirsan gobolka Mandheera.
Qaraxan ayaa si gaar ah u haleelay oo u burburiyay gaari Kooyal ah oo ay ka buuxeen ciidamada la qarxiyay, waxaana goobta ku dhaawacmay 2 askari oo Kenyan ah iyo 3 askari oo murtadiin ah.
Howlgalka saddexaad oo ahaa dagaal toos ah waxay ciidamada mujaahidiintu ku beegsadeen isbaarada maleeshiyaadka murtadiinta utaal deegaanka Baar-sanguuni ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo, laba askari oo murtadiin ah ayaana ku dhaawacmay weerarkaasi.
Howlgalka ugu dambeeya ee afaraad oo ahaa mid toos ah waxay ciidamada mujaahidiintu ku qaadeen xeryaha maleeshiyada murtadiinta ee deegaanka Barujeed ee duleedka magaalada Baydhaba.