Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay ku qaadeen laba saldhig Booliis ah oo maleeshiyaadka murtadiinta ay kaga suganyihiin xaafadda Buulo Jiimaa oo kutaal magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay murtadiinta iyo saliibiyiinta xabashida.
Howlgalkan barakaysan waxaa Allaah fadligiis lagu dilay hal sarkaal oo ka tirsanaa murtadiinta, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Marshaale, waxay sidoo kale ciidamada mujaahidiintu weerarka dagaalka tooska ah kusoo furteen qori Ak47 ah iyo booshkiisa.
Sidoo kale, waxay ciidamada mujaahidiintu weerarkan ku dhaawaceen laba askari oo Itoobiyaan ah, kuwaasoo xilliga uu weerarku dhacayay ku sugnaa labada saldhig Booliis ah ee mujaahidiintu weerarada tooska ah ku mireen.