Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Inka Badan 200 Askari Oo Ciidanka Abiy Axmed Looga Laayay Dagaallo Ka Dhacay Amhara.
  • Allposts
  • Warar

Inka Badan 200 Askari Oo Ciidanka Abiy Axmed Looga Laayay Dagaallo Ka Dhacay Amhara.

August 17, 2025

Dagaallo culus oo u dhaxeeya ciidanka dowladda Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka Fano ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay deggaannada Gojjam iyo Gondar oo dhammaantood ka tirsan gobolka Amxaarada.

Maleeshiyaadka Amxaarada ee ka hawl-gala deggaannada waqooyi ee gobolka Amxaarada, ayaa weerarro gaadmo ku beegsasday kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah, xilli ay marayeen inta u dhexaysa labo deggaan oo lagu kala magacaabo Soroka iyo Abrahagira sida ay sheegtay Warbaahinta Ethiopian Media Service.

Ugu yaraan 103 askari oo ka tirsan ciidanka maamulka Abiy Axmed ayaa dhegta dhiigga loo daray, 50 askari oo kalena waa la dhaawacay sida ay sheegteen maleeshiyaadak Fano, gaar ahaan taliska loogu magac-daray Dejazamch Belay Zeleke..

Sidoo kale maleeshiyaadka Fano waxay shaaciyeen in guullo millateri oo la taaban karo ay kasoo hooyeen 3 hawl-gal oo isugu jira dagaallo toos ah iyo weerarro gaadmo ah oo khamiistii lasoo dhaafay ka dhacay deggaano ka tirsan Gojjam.

Madaxa xiriirka dadweynaha ee maleeshiyaadka Faano ee deggaanka Gojjam, oo hawl-galladan laga waraystay ayaa sheegay in weerar culus oo ay kula jarmaadeen fariisinno ay ciidanka dowladdu ku lahaayeen magaalada Dubrette lagu dilay ugu yaraan 45 askari oo ka tirsan ciidanka maamulka Addis Ababa.

Sarkaalkan u hadlay jabhadda Fano waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in boqollaal qori ay ku qabsadeen dagaalkaasi. Iyadoo muuqaallo la faafiyey-na laga dheehan karo tiro askar ah oo ka tirsan ciidanka Xabashida Itoobiya oo nolosha lagu qabtay.

Magaalada Dembecha oo sidoo kale ku taal Gojjam, ayaa lagu go’doomiyey ciidanka Xabashida Itoobiya, kadib markii maleeshiyaadka Fano ay ka weerareen jihooyin kala duwan, waxaana lagu soo warramayaa in dagaalkaasi uu socday ku dhawaad 7 saacadood, sida uu baahiyey war-fidiyeenka Ethiopian Media Service.

Askar fara badan oo tirakoobkooda saxda ah aan la shaacin oo ka tirsan ciidanka difaaca Itoobiya ayaa dhegta dhiigga loo daray, halka gacanta lagu dhigay 16 askari, boqollaal qori iyo sidoo kale kumanaan rasaas ah sida uu warbaahinta u xaqiijiyey madaxa xiriirka dadweynaha ee maleeshiyaadka Faano ee deggaanka Gojjam.

Sidoo kale afhayeenkan u hadlay Fano waxa uu soo hadal-qaaday khasaaraha ka dhashay weerar kale oo maleeshiyaadka Fano ay ka fuliyeen deggaanka Amanuel oo ka tirsan Gojjam, kaas oo uu ka dhawaajiyey in uu jiro khasaare badan oo la gaarsiiyey ciidanka Abiy Axmed, lagana qabsaday in ka badan 100 qori.

Weerarradan xooggan ee usbuucii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Amxaarada ayaa kusoo aadaya iyadoo dhinaca gobolka Oromadana laga soo sheegayo weerar ay maalmo ka hor dabley hubaysani ku beegsadeen goob kaniisad ah oo ku taalla deggaan lagu magacaabo Arsi.

Kaniisaddan ayaa la weeraray xilli ay ku sugnaayeen ugu yaraan 20 qof oo Kiristan ah, kuwaas oo aan la shaacin jiritaanka wax khasaare ah oo soo gaaray. Waxaana weerarkan lagu tuhmay dabley aan ilaa hadda la aqoonsan oo maalmo ka hor dil ka geysatay degmo ka tirsan isla deggaankaasi oo magaceeda lagu sheegay Robe.

Maalinnimada Arbacadii lasoo dhaafay, afar nin oo hubaysan ayaa lasoo weriyey inay gubeen afar guri oo ku yaal degmada Robe, iyadoo dadka deggaanku ay u xaqiijiyeen warbaahinta Ethiopian Media Services in dableydu ay labadii sano ee la soo dhaafay afduubteen dad badan oo deegaanka ah, kuwaas oo nolol iyo geeri toona aan ilaa hadda lagu haynin.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 23-02-1447-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -23-02-1447 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -24-02-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -24-02-1447-Hijri.

August 17, 2025
Askar Ka Tirsanaa Maleeshiyada Gurguurte Oo Maanta U Dhintay Dhaawacyo Horay Usoo Gaaray.
  • Allposts
  • Warar

Askar Ka Tirsanaa Maleeshiyada Gurguurte Oo Maanta U Dhintay Dhaawacyo Horay Usoo Gaaray.

August 17, 2025
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -23-02-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -23-02-1447 Hijri.

August 17, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 26 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 26 aad)

August 14, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 25 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 25 aad)

July 26, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)

July 18, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)

July 13, 2025

Sawirro

Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.

August 17, 2025
Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.

August 9, 2025
Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.

August 5, 2025
Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.

August 4, 2025
Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.

July 20, 2025
Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.

July 15, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.

July 13, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.

July 8, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.

July 7, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.

July 6, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada