Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Inka Badan 200 Askari Oo Ciidanka Abiy Axmed Looga Laayay Dagaallo Ka Dhacay Amhara.
  • Allposts
  • Warar

Inka Badan 200 Askari Oo Ciidanka Abiy Axmed Looga Laayay Dagaallo Ka Dhacay Amhara.

August 17, 2025

Dagaallo culus oo u dhaxeeya ciidanka dowladda Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka Fano ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay deggaannada Gojjam iyo Gondar oo dhammaantood ka tirsan gobolka Amxaarada.

Maleeshiyaadka Amxaarada ee ka hawl-gala deggaannada waqooyi ee gobolka Amxaarada, ayaa weerarro gaadmo ku beegsasday kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah, xilli ay marayeen inta u dhexaysa labo deggaan oo lagu kala magacaabo Soroka iyo Abrahagira sida ay sheegtay Warbaahinta Ethiopian Media Service.

Ugu yaraan 103 askari oo ka tirsan ciidanka maamulka Abiy Axmed ayaa dhegta dhiigga loo daray, 50 askari oo kalena waa la dhaawacay sida ay sheegteen maleeshiyaadak Fano, gaar ahaan taliska loogu magac-daray Dejazamch Belay Zeleke..

Sidoo kale maleeshiyaadka Fano waxay shaaciyeen in guullo millateri oo la taaban karo ay kasoo hooyeen 3 hawl-gal oo isugu jira dagaallo toos ah iyo weerarro gaadmo ah oo khamiistii lasoo dhaafay ka dhacay deggaano ka tirsan Gojjam.

Madaxa xiriirka dadweynaha ee maleeshiyaadka Faano ee deggaanka Gojjam, oo hawl-galladan laga waraystay ayaa sheegay in weerar culus oo ay kula jarmaadeen fariisinno ay ciidanka dowladdu ku lahaayeen magaalada Dubrette lagu dilay ugu yaraan 45 askari oo ka tirsan ciidanka maamulka Addis Ababa.

Sarkaalkan u hadlay jabhadda Fano waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in boqollaal qori ay ku qabsadeen dagaalkaasi. Iyadoo muuqaallo la faafiyey-na laga dheehan karo tiro askar ah oo ka tirsan ciidanka Xabashida Itoobiya oo nolosha lagu qabtay.

Magaalada Dembecha oo sidoo kale ku taal Gojjam, ayaa lagu go’doomiyey ciidanka Xabashida Itoobiya, kadib markii maleeshiyaadka Fano ay ka weerareen jihooyin kala duwan, waxaana lagu soo warramayaa in dagaalkaasi uu socday ku dhawaad 7 saacadood, sida uu baahiyey war-fidiyeenka Ethiopian Media Service.

Askar fara badan oo tirakoobkooda saxda ah aan la shaacin oo ka tirsan ciidanka difaaca Itoobiya ayaa dhegta dhiigga loo daray, halka gacanta lagu dhigay 16 askari, boqollaal qori iyo sidoo kale kumanaan rasaas ah sida uu warbaahinta u xaqiijiyey madaxa xiriirka dadweynaha ee maleeshiyaadka Faano ee deggaanka Gojjam.

Sidoo kale afhayeenkan u hadlay Fano waxa uu soo hadal-qaaday khasaaraha ka dhashay weerar kale oo maleeshiyaadka Fano ay ka fuliyeen deggaanka Amanuel oo ka tirsan Gojjam, kaas oo uu ka dhawaajiyey in uu jiro khasaare badan oo la gaarsiiyey ciidanka Abiy Axmed, lagana qabsaday in ka badan 100 qori.

Weerarradan xooggan ee usbuucii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Amxaarada ayaa kusoo aadaya iyadoo dhinaca gobolka Oromadana laga soo sheegayo weerar ay maalmo ka hor dabley hubaysani ku beegsadeen goob kaniisad ah oo ku taalla deggaan lagu magacaabo Arsi.

Kaniisaddan ayaa la weeraray xilli ay ku sugnaayeen ugu yaraan 20 qof oo Kiristan ah, kuwaas oo aan la shaacin jiritaanka wax khasaare ah oo soo gaaray. Waxaana weerarkan lagu tuhmay dabley aan ilaa hadda la aqoonsan oo maalmo ka hor dil ka geysatay degmo ka tirsan isla deggaankaasi oo magaceeda lagu sheegay Robe.

Maalinnimada Arbacadii lasoo dhaafay, afar nin oo hubaysan ayaa lasoo weriyey inay gubeen afar guri oo ku yaal degmada Robe, iyadoo dadka deggaanku ay u xaqiijiyeen warbaahinta Ethiopian Media Services in dableydu ay labadii sano ee la soo dhaafay afduubteen dad badan oo deegaanka ah, kuwaas oo nolol iyo geeri toona aan ilaa hadda lagu haynin.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 23-02-1447-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -23-02-1447 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -05-11-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -05-11-1447-Hijri

April 21, 2026
Iiraan Oo Ka Hor-timid Safiirka Yahuuddu Usoo Magacaabay Maamulka ‘Somaliland’.
  • Allposts
  • Warar

Iiraan Oo Ka Hor-timid Safiirka Yahuuddu Usoo Magacaabay Maamulka ‘Somaliland’.

April 21, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -04-11-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -04-11-1447 Hijri.

April 21, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada