Ciidamo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada islaamiga ah ee Bay, ayaa saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah waxay ku qaadeen saldhig ciidan oo ciidanka kuffaarta xabashida Itoobiya kaga suganyihiin deegaanka Awdiinle ee hoostaga magaalada Baydhaba.
Weerarkan ayaa Allaah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay, dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan ee dagaalka la isku adeegsanayay ayaa si wayn looga maqlayay degaanka iyo duleedkiisa, waaana mid ka mida weerarada habeen-dheelmadka ah ee ay mujaahidiintu ku miraan saldhigyada kuffaarta xabashida ee gobolka Baay.