Taliyaha ugu sarreeya Taliska ciidamada saliibiyiinta Maraykanka ee Africa ee loo yaqaan Africom, General Dagvin Anderson iyo saraakiisha kale ee taliska, ayaa xerada Xalane kula kulmay madaxa kooxda Riddada Soomaaliya murtad Xassan Gurguurte iyo saraakiisha ugu sarreysa ee maleeshiyada murtadiinta.
Ilo wareedyo ayaa sheegay in ay dhinacyadu ka wada hadleen dagaalka ka dhanka ah islaamka iyo ehelkiisa ee ay kaga jiraan Soomaaliya, barta uu X ku leeyahay taliska Africom, ayaa baahiyay sawirrada kulanka uu taliyahooda la yeeshay madaxa Riddada iyo saraakiisha ciidanka kooxdaasi.
Africom, ayaa booqashada taliyaha taliskaasi ku tilmaantay tii ugu horreysay ee uu ku yimaado Soomaaliya tan iyo markii dhowaan loo magacaabay in uu hoggaamiyo ciidamada Maraykanka ee duullaanka ashahaada la dirirka ah ku jooga waddanka.
Ilo kale ayaa sheegay in dhinacyadu walaac ka muujiyeen howlgallada ciidan ee mujaahidiinta, sawirrada la faafiyay ayaana laga akhrisanayay niyad jabka wayn ee ka muuqday saraakiisha goobta ku kulantay.
Xassan Gurguurte ayaa shirka kasoo muuqday isaga oo murugeysan, halka niyad wayn laga dareemayay Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiisha kale ee la kulanka la yeelatay taliyaha ciidanka saliibiyiinta Maraykanka ee qaaradda Africa.