Maamulka ashahaado-la-dirirka Puntland ayaa shalay magaalada Garoowe ku qabtay xaflad lagu sheegay mid horu-dhac u ah munaasibadda xarig-ka-jarka biyo-xireenka Itoobiya ay ka hir-gelisay webiga Niil oo sida la shaaciyey daah-furkiisu uu ku beegan yahay maalinta berriya.
Ku-simaha Xafiiska Itoobiya ay ku leedahay magaalada Garoowe ayaa soo qaaban-qaabiyey xafladdan, goob-joogna ka ahaa, waxaana kasoo qayb-galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Riddada ee Puntland, kuwaas oo dhammaantood soo dhaweeyey biyo-xireenka Itoobiya uu muranka badani ka taagan yahay ee Al-Nahda.
Murtad Cabdi Faarax Siciid Juxa oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamulka Puntland ayaa si weyn u bogaadiyey mashruuca Itoobiya, waxaanu goobtaasi kaga dhawaaqay lacag Kun Dollar ah oo uu sheegay in uu ku darsanayo mashruuca biyo-xireenka Itoobiya.
Janaraal Siciid Maxamed Xirsi oo ku magac-dheer Siciid-dheere horeyna u soo noqday Taliyaha maleeshiyaadka Ridda ee Kooxda Villa Somaliya iyo sidoo kale kuwa Puntland, oo isna madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in walaalkooda koowaad uu Itoobiya yahay isla markaana furitaanka biyo-xireenka Itoobiya, uu la mid yahay mid laga hir-geliyey magaalada Garoowe.
Hadallada kasoo yeeray murtadiintan ayaa imanaya xilli dhanka kalena uu magaalada Addis Ababa gaaray madaxa Kooxda Riddada Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, halkaas oo ay ka socoto qaban-qaabada xafladda daah-furka biyo-xireenka AL-Nahda oo si weyn ay uga soo hor-jeedaan dalalka Masar iyo Suudaan.