Ugu yaraan 12 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay duqayn diyaaradeed oo subaxnimada Jimcihii shalay ee 30-ka Oktoobar 2026, ka dhacday magaalada Rama oo ka tirsan gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.
Sida uu wariyey wargeyska Addis Standard, duqaynta ayaa dhacday xilli dadka deggaanku ay isugu soo baxeen inay urursadaan haruur ka daatay gaari xamuul ah.
Gaarigan oo raashinka u siday dad ganacsato ah, ayaa fiidnimada habeenkii Khamiista, 29-ka Oktoobar, ay diyaarad aan duuliye lahayn ku garaacday bartamaha magaalada.
Subaxdii xigtay, xilli dadku urursanayeen raashinkii daatay, ayaa duqayn kale lagu beegsaday, taas oo sababtay dhimashada ugu yaraan 12 qof iyo dhaawaca dhowr kale, kuwaas oo la sheegay in qaarkood dhaawacyadoodu ay yihiin kuwo garaab ah.
Ilo deegaanka ah ayaa wargeyska u sheegay in dadka dhintay ay isla goobta ku qur-baxeen. Waxa kale oo ay sheegeen in xaaladda dhaawacyadu ay aad u liidatay, iyadoo aan la haynin gaadiid lagu gaarsiiyo cisbitaallada dadka u baahan daryeelka degdegga ah.
Dhanka kale, dadka deegaanka ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in tirada dhimashadu gaartay 13 qof, halka ilo caafimaad ay xaqiijiyeen in cisbitaal ku dhow la geeyay meydadka 11 qof, iyagoo sheegay inay maqleen laba qof oo kale oo dhintay.
Duqayntan ayaa imanaysa xilli ay sii kordhayaan weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee maamulka Abiy Axmed uu ka fulinayo gobollada Tigreega iyo Amxaarada, kuwaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah.
Sidoo kale kooxaha fallaagada ah ee ka hawl-gala gudaha Itoobiya oo ay ka mid yihii TPLF iyo Fano ayaa kordhiyey hawl-gallada ka dhanka ah ciidanka dowladda Xabashida Itoobiya, iyadoo dagaallada ka socda waqooyiga Itoobiya lagu soo warramayo in ay sii xoogaysteen.