Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidanka ammaanka ee ismaamulka Oromia ee taabacsan maamulka Abiy Axmed lagu dilay deegaan ka tirsan ismaamulkaasi.
Warbaahinta maxalliga ee ka howlgasha Itoobiya ayaa shaacisay in la dilay taliye sare oo ka tirsanaa Booliiska Oromia, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Getachew Bezu.
Wargayska Borkena ayaa sheegay in la helay xogo tilmaamaya in sarkaalka la dilay uu ahaa taliyaha ciidamada gaarka ah ee ismaamulka Oromia, waxay intaasi kusii dartay in aan si rasmi ah loo ogayn goobta ay dhacdadu ka dhacday.
Sidoo kale lama oga cidda dishay sarkaalka, Ismaamulka Oromia oo sarkaalka laga dilay ma xaqiijin dhacdada mana beenin, sidoo kale ma jirto koox si gaar ah dusha u saaratay dilka sarkaalkan sare ee ka tirsanaa ciidamada ammaanka ee Oromia.
Ilo wareedyo ayaa dhanka kale xaqiijiyay, in la baajiyay qabanqaabada aaska oo la qorsheeyay in sarkaalkan loo sameeyo maalintii Jimcaha, dilkiisa ayaa lala xiriiriyay in uu salka ku hayo howlgallada ciidamada gaarka ah ee ismaamulkaasi ku qaadeen kooxaha hubeysan ee ka howlgala ismaamulkaasi sida jabhadda xoraynta shacabka Oromia ee loo yaqaan OLA.