Dagaallo culus oo u dhaxeeyay ciidanka millatariga Sudan iyo maleeshiyada Dacmu-sariic ayaa ka dhacay koonfurta gobolka Kordafan ee dalka Suudaan.
Dagaalladan oo dhacay Isniintii lasoo dhaafay ayaa lasoo wariyay in ciidanka millatariga Suudaan ay ku jabiyeen fallaagada RSF ee taageerada ka helaya dowladda Imaaraadka Carabta.
Iska hor’imaadyadan culus ayay ciidamada Millatariga ku dileen saraakiil aad muhiim ugu ahaa fallaagada Dacmu-sariic, waxaana ka mid ahaa A-saadaq makaan oo ahaa taliyaha kooxda 36-aad ee maleeshiyaadka gurmadka deg degga.
Dagaalladan waxay toddobaadkii lasoo wariyay ciidanka millatariga Suudaan kula wareegeen gacan ku haynta deegaanada kala Kazqil, Riyash, Brentgol, iyo Ummu Sayala.
Wargayska Sudan Tribune ayaa tallaabadan ku tilmaamay furitaankii ugu dambeeyay ee millatarigu ugu talagalay in uu ku gaaro Koonfurta Kordofan iyo soo afjarida go’doominta maleeshiyaadka RSF saareen magaalooyinka Dillinj iyo Kaduqli.