Madaxweynaha dawladda Maraykanka Donald Trump ayaa dib u cusboonaysiiyey xaalad deg-deg ah oo dawladda Xabashida Itoobiya uu horey u saaray madaxweynihii kan ka horeeyey ee Joe Biden, kadib dagaalkii dhiigga badan ku daatay ee ka dhacay gobolka Tigrey.
Tallaabadan uu qaaday Trump ayaa muujinaysa welwelka joogtada ah ay Washington ka qabto qolqolotooyinka ka socda gudaha Itoobiya. Waxaanu amarkani cunaqabataynno kala duwan kusoo rogay shaqsiyaad iyo hay’ado lagu eedeeyay in ay galeen xadgudubyo lala xiriirinayo dagaalkii lagu hoobtay ee dabayaaqada 2020-kii ka qarxay waqooyiga Itoobiya.
Dibu-cusboonaysiinta cunaqabatayntan oo lagu daray muddo hal sano ah, ayaa si toos ah u saamayn doonta mas’uuliyiinta lala xiriirinayo in ay ku lug lahaayeen dagaalka mudada dheer ka socday gobolkaasi, isla markaana ay hor-joogsadeen isku-dayo la rabay in xabbadda lagu joojiyo.
Dagaalkan ka dhacay gobolka Tigrey ayaa sida la ogyahay socday muddo labo sano ah, waxaana ku naf-waayay dad lagu qiyaasay ku dhawaad 600’000 (Lix Boqol oo Kun oo qof), sida ay shaaciyeen cilmi-baarayaal iyo saraakiil reer-galbeed ah.