Wararka ka imanaya gobollada Waqooyi gaar ahaan magaalada Boorama ayaa sheegaya in habeennimadii xalay dab xooggani uu ka kacay warshad lagu farsameeyo furshaanta laga isticmaalo deggaannadaasi.
Lama oga sababta keentay in dabkaasi kaco warshadda joodariyada, ilaa haatanna lama shaacin qasaaraha ka dhashey dabkan kaas oo xilli dambe lagu guulaystay in la damiyo, kadib markii qaybaha kala duwan ee bulshadu ay ka qayb-qaateen deminta dabkaasi.
Suuqyada iyo goobaha ganacsi ee Soomaaliya iyo sidoo kale dhulka kale ee ku hoos-jira gumaysiga Xabashida Itoobiya iyo Kenya ayay gubashadu aad ugu soo badatay sanadihii u dambeeyey, iyadoo ilaa haatan aan la ogayn isla markaana aanay jirin cid baaritaan rasmiya ku samaysay sababta rasmiga ah ee keenaysa gubashadan joogtada ah ee ku socota Suuqyada Soomaalida.