Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Eritea Oo Mar Kale Jawaab Adag Ka Bixisay Damaca_badeed Ee Itoobiya.
  • Allposts
  • Warar

Eritea Oo Mar Kale Jawaab Adag Ka Bixisay Damaca_badeed Ee Itoobiya.

September 17, 2025

Dowladda Erateriya ayaa mar kale si adag uga jawaabtay damaca gurracan ee Itoobiya ay ku rabto inay ku xayuubsato xeebaha Badda Cas, iyadoo usbuucyadan u dambeeyey si cad u shaacisay inay qaadayso duullaan ballaaran oo ay doonayso inay kula wareegto qaybo ka mida xeebaha Eretriya.

Bayaan shalay kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Eretariya ayaa lagu sheegay in damaca badeed ee Itoobiya uu yahay riyo aan sal iyo raad toona lahayn oo muddooyinkan dambe ay sii xoojiyeen xubno ka tirsan xisbiga Barwaaqo ee uu hoggaamiyo R/wasaare Abiy Axmed.

Qoraalka Wasaaradda Warfaafinta Eratariya ayaa lagu yiri “Saraakiisha Barwaaqo waxay si kibir leh uga hadlayaan riyada ah helista marin-badeed sharci-darro ah, iyagoo ku hadaaqaya in tallaabadani tahay mid aan laga fursan karin oo muddo badan ay ku taamayeen, Waxaanay gaareen ilaa heer ay yiraahdaan, haddii Badda Cas lagu heli waayo diblomaasiyad, xoog ayaa lagu heli doonaa.”

Dowladda Eretariya waxay tallaabadan ku sifaysay isku-day sharci-darro ah oo lagu marin-habaabinayo bulshadda Itoobiya, loogana dhigayo Himilo Qaran, taas oo laga dhaxli doono ayay tiri Eratariya cawaaqib-xumo uga sii dari doonta xiisadaha ka aloosan gudaha Itoobiya, isla markaana saamayn ballaaran ku yeelan doontaa gobolka oo dhan.

Eratariya waxay xustay in saraakiisha Itoobiyaanka ah ee muddooyinkan dambe fagaarayaasha kaga hadaaqayay hadalladan gefka ah ay yihiin kuwo uu xishoodkii ka dhammaaday isla markaana doonaya inay damacoodan ku xaqiijiyaan si indho la’aan ah, iyagoo soo xiganaya cutubyada ugu madow ee taariikhda casriga ah ee gobolkan, sida xilligii dhul-ballaarsiga ee xoogga iyo sharci-darrada wax lagu kala qaadan jiray.

Dawladda Eretariya waxay u soo jeedisey dawladda Xabashida Itoobiya in ay joojiso damaca gurracan iyo taariikhda beenta ah ee ay ku marin-habaabinayso bulshadadeeda isla markaana ay ku mashquusho dhibaatooyinka baaxadda leh ka aloosan gudaheeda.

Istaraatiijiyaddan sharci-darrada ah ee Itoobiya ay qaadatay ayay Eretriya ku tilmaantay dhacdo halis ah oo aan ku koobnaan doonin xuduudaha Itoobiya, balse uga sii dari doonta xaaladda gobolkan jilicsan ee qalalaasuhu ay hareeyeen. Waxaanay abuuri doontaa ayaa la yiri kalsooni-darro ka dhex bilaabanta dalalka gobolka.

Bayaanka Eretariya ayaa imanaya xilli Itoobiya ay dhawaan xariga ka jartay mashruuca biyo-xireenka Al-Nahda, isla markaana ay shaacisay inay isku diyaarinayso duullaan ballaaran oo millateri oo ay doonayso inay ku qabsato qaybo ka mida xeebaha Eretariya, gaar ahaan dekedda Casab.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 25-03-1447-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -25-03-1447 Hijri.

Related Stories

Faahfaahinno Kasoo Baxaya Wasiirkii Difaaca Ee Ay Dileen Mujaahidiinta Nusratul ISlaam.
  • Allposts
  • Warar

Faahfaahinno Kasoo Baxaya Wasiirkii Difaaca Ee Ay Dileen Mujaahidiinta Nusratul ISlaam.

April 27, 2026
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -10-Dulqicdah-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -10-Dulqicdah-1447-Hijri

April 27, 2026
Akhriso Wararkii U Dambeeyay Bariga Dhexe Iyo Wadahadallada Pakistan.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso Wararkii U Dambeeyay Bariga Dhexe Iyo Wadahadallada Pakistan.

April 27, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada