Maamulka kooxda Riddada Soomaaliya ka dhisatay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ee waqooyi bari Soomaaliya, ayaa war uu soo saaray waxa uu ku sheegay in maamulka uu hoggaaminayo murtad Cirro uu howlanyahay abaabul dagaal oo iyaga ka dhan ah.
Bayaanka oo ay soo saartay wasaaradda amniga maamulka fadhigiisu yahay Laascaanood ayaa lagu sheegay inay isha ku hayaan dhaqdhaqaaq ciidan oo uu maamulka Somaliland ka wado xuduudda labada maamul u dhaxayso.
Waxay tilmaameen inay si dhab ah u qaateen abaabulka dagaal ee ay ku eedeynayaan maamulka fadhigiisu yahay Hargaysa, waxay intaas ku dareen in wixii cawaaqib ah ee ka dhasha tallaabadaasi uu qaadi doono maamulka uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cirro.
Maamulka Riddada Somaliland oo sannadkii 2023-kii laga saaray magaalada Laascaanood ayaa marar badan lagu eedeeyay isku dayo dhowr ah oo uu ku doonayay in uu kusoo ceshto deegaannada gacantiisa ka baxay oo ay ku jirto magaalada Laascaanood oo dhowaan kooxda Riddadu ka dhisatay maamul ka mid ah maamulladeeda.