Xafiiska warfaafinta Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku beeniyay war kasoo yeeray taliska ciidamada saliibiyiinta Maraykanka ee qaaradda Africa ee AFRICOM, taliskaas saliibiga ah ayaa warka uu soo saaray ku sheegay in duqayn ka dhacday Badhan oo ka tirsan gobolka Sanaag uu ku dilay xubin ka tirsan mujaahidiinta.
Nuqul ka mid ah warsaxaafadeedka Mujaahidiinta ayaa lagu yiri “Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay xaqiijinaysaa in shakhsiga ay saliibiiyiintu ku duqeeyeen deegaanka Badhan uusan ka tirsanayn xarakada, isla markaana eedeynta ay usoo jeediyeen ee ah inuu hubka uusoo iibin jiray Mujaahidiinta ay tahay been abuur aan sal iyo raad lahayn oo looga golleeyahay in lagu banaysto dhiigiisa iyo dhiiga waxgaradka Soomaaliyeed”.
Halkan Ka Degso Warsaxaafadeedka Mujaahidiinta Oo Dhammaystiran.
Ama hoos ka akhriso.