Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qarax ah oo ciidamada mujaahidiintu la beegsadeen kolonyo ciidamo ah oo ka tirsan saliibiyiinta Kenya, kuwaas oo ku socdaalayay inta u dhaxaysa deegaanada Finow iyo Sheekh Barow ee hoostaga degmada Lafeey ee gobolka Mandheera ee ku hoosjira gumeysiga Kufaarta Kenya.
Weerarka qaraxa oo si gaar ah u haleelay gaari Taw ah,ayaa sababay dhimashada lix askari oo kuffaarta Kenya, halka ay ku dhaawacmeen laba askari oo kale, waxaana goobta ku gubtay gaariga Towga ah ee ay qarxiyeen mujaahidiinta Al-shabaab.
Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen saldhigga ciidamada kuffaarta Afrikaanta gaar ahaan kuwa Yugaandha ay kaga suganyihiin degmada Jannaale.