Waaxda dacwad oogida ee Mareykanka ayaa sheegtay in dad gaaraya ilaa 8 ruux oo 6 kamid ah ay yihiin Soomaali ay kusoo oogtay dacwad Musuqmaasuq ah.
Sarkaal u hadlay dowladda Mareykanka ayaa sheegay in dadkaas ay xadeen malaayiin dollar oo ay dowladda Maraykanka ugu talo gashay in ay daryeel caafimaad ku helaan dadka dakhligoodu hooseeyo ee ku dhaqan gudaha Mareykanka.
Mareykanka ayaa sheegay dadkii loogu talagalay lacagaha aysan gaarin, islamarkaama malaayiintaasina la lunsaday sida lagu sheegay dacwadaan.
Dadka lagu eedeeyey musuqaani ayaa hadda u xiran kiiskaani, waxaana qeyb ka ah 6 ruux oo Soomaali ah oo isugu jira rag iyo dumar kuwaasi oo siweyn looga dhex yaqaano Soomaalida ku dhaqan Mareykanka.
Mareykanka ayaa sanadkii 2020-kii, wuxuu barnaamijkaan ku bixiyey lacag lagu qiyaasay $2.5 milyan, halka sanadkii 2021-ka ku biyey $21 milyan, iyadoona sanadkii 2022 uu ku bixiyey $104 milyan.
Lama oga halka ay ku danbeen doonto dacwadaan, iyadoona arrintaanina ay si weyn u hadalhayaan warbaahinta Mareykanka.