Ciidanka Xabashida Itoobiya ayaa bayaan ay soo saareen oo ay ku baahiyeen barahooda rasmiga ah ee aaladda Internetka waxay ku sheegeen inay ku faraxsan yihiin duullaanka ay Itoobiya ku rabto inay kula wareegto dekedo ku yaalla xeebaha Badda Cas.
War kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya ayaa lagu sheegay in ciidamada Itoobiya ay diyaar u yihiin inay u dhintaan dalkooda oo marnaba aanay ka labalabeyn doonin naf-hur kasta oo lagu xaqiijinayo danta qaranka Itoobiya.
Diyaar-garowga ay Itoobiya ugu jirto sidii ay ku gaari lahayd Badda Cas ayay ciidanka Xabashida Itoobiya muujiyeen sida ay ugu riyaaqsan yihiin tallaabadaasi, waxaanay sheegeen in haatan la xallin doono arrinta dekedda Casab iyo Badda Cas oo ay ka dhawaajiyeen in xanuun ay ku haysay muddo ka badan soddon sano.
Warka kasoo baxay ciidamada Itoobiya ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay si weyn u aaminsan yihiin in aysan jirin sabab loo xaqiijin la’yahay arrinta Badda Cas. Waxaana qoraalkan kasoo baxay wasaaradda isagoo arrintaasi kasi hadlaya lagu yiri “Sidaas darteed, in la isku dayo in la dafiro arrimaha Badda Cas iyo Casab marka laga eego dhinac kasta ma yeelan karaan wax maan-gal ah”
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale loogu goodiyey isla markaana cadaw shisheeye-kalkaal ah lagu tilmaamay qofkasta oo Itoobiyaan ah oo kasoo hor-jeedda damaca gurracan ee maamulka Abiy Axmed uu doonayo inuu kula wareego qaybo ka mida dekedaha Eretriya.
Bayaankan kasoo baxay millateriga Itoobiya, ayaa kusoo aadaya xilli Eretaraiya ay si weyn isugu diyaarinayso iska caabbinta duullaan kasta oo kaga yimaadda dhinaca Itoobiya oo muddooyinkan dambe bareeraheeda caddaysay, sheegtayna inay waddo abaabulka duullaan ballaaran oo ay doonayso inay kula wareegto dekedda Casab.