
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala dhulka NFD, ayaa howlgal gaar ah waxay ka fuliyeen hotel kuyaal xaafadda Koona B ee magaalada Mandheera oo ka mida dhulalka muslimiinta ee ku hoos jira gumeysiga saliibiyiinta Kenya.
Howlgalkan barakaysan oo ahaa mid qorsheysan waxaa Allaah fadligiis ka dhashay dhimashada illaa 5 ruux oo gaalo saliibiyiin ah iyo dhaawaca 14 kale, waxaa xusid mudan in hotelkan ay mujaahidiintu bartilmaameedsadeen uu yahay goob ay ku kulmaan gaalo jinsiyado kala duwan leh, kaddib markii uu dhacay howgalkan qorsheysan waxaa goobtaas soo caga dhigtay diyaarado, kuwaas oo daabulay maydadka iyo dhaawacyada saraakiisha iyo xubnihii kale ee gaalada ee ku waxyeelloobay howlgalkaasi.
Dhanka Laamu, ciidamada mujaahidiinta ayaa saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus ku qaaday xero ay saliibiyiinta Kenya ku leeyihiin deegaanka Milimaani ee gobolka Laamu oo ka mid ah dhulalka ay saliibiyiinta Kenya xoogga kaga haystaan muslimiinta, intii uu socday dagaalka waxaa burbur xooggan uu soo gaaray xafiiskii isgaarsiinta iyo qalabkii halkaasi u yiillay ciidamada saliibiyiinta Kenya ee la weeraray.
Dhanka Sh/hoose ee koonfurta Somalia, howlgal qarax ah oo ciidamada mujaahidintu ka fuliyeen gudaha degmada Afgooye ayaa lala beegsaday maleeshiyo murtadiin ah, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay shan askari oo ka tirsan maleeshiyaadkaasi.