Madaxa maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland, C/Raxmaan Cirro ayaa wax loogu yeeray waraaqaha aqoonsiga ka guddoomey safiir-ku-sheeg uu maamulka Yahuuddu u soo magacaabay gobollada gooni-goosadka ah ee waqooyi galbeed Soomaaliya.
Munaasabad lagu qabtay qasriga madaxtooyada ee magaalada Hargeysa ayaa Cirro iyo mas’uuliyiin ka tirsan xukuumaddiisu ay ku qaabileen Michael Lotem oo ah safiir-ku-sheegga Yahuuddu u soo magacowday Somaliland.
Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Hargeysa ayaa lagu sheegay in tallaabadani ay astaan u tahay xoojinta xiriika diblomaasiyadeed iyo hirgelinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada shacab ee Sahaayinada iyo Somaliland.
Cirro ayaa xaqiijiyay in maamulkiisu ay ka go’an tahay dhisidda cilaaqo ku salaysan dano iyo faa’iidooyin is-dhaafsi ah balse xaqiiqda ayaa ah in Yahuuddu ay gummeysi cusub gelin doonaan shacabka Soomaaliyeed ayna mandiqadda usoo jiidayaan colaad cusub.
Dhinaca kale war kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda maamulka Yahuudda ayaa lagu sheegay in dhowaan magaalada Hargeysa laga dhagax dhigi doono safaarad ay yeelato waxa loogu yeero Israaiil.
Maamulka dabadhilifka ah ee isku magacaabay Somaliland ayaa dadaal ugu jira sdii uu unoqon lahaa dal kamadax banaan soomaaliya inteeda kale wuxuuna gaaray heer uu cadowga xasuuqa iyo gummeysiga ku haya shacabka Falasdiin uu kusoo dhoweeyo dhulka soomaaliya.