Sannadkii 1870kii, Talyaanigu waxa ay bilaabeen in ay soo degaan xeebaha Eritrea. Dawladda Ingiriisku, waxa ay dhinaceeda taageertay degitaanka Talyaaniga ee Eritrea si looga hor tago in Faransiisku uu ku sii faafo xeebaha Badda Cas, ka dib markii Massaaridu ay xeebahaas ka baxeen, markii uu ku kacay Mahdigii Suudaan. Sannadkii 1890kii ayay dawladda Talyaanigu si rasmi ah ugu dhawaaqday gumaysigeeda Eritrea iyada oo magaca loo bixiyayna uu yahay
‘Badda Cas’ oo af Giriig ah, waxaana caasimad looga dhigay Massawa, ka dib intii aan caasimadda loo soo beddelin Asmara, sannadkii 1897kii. Qabsashada Eritrea ee Talyaaniga waxa aqbalay boqorkii Itoobiya ee Menelik II.
Talyaanigu waxa ay weerareen gobolka Tigray ee Itoobiya, halkaas oo ay ku soo jabeen dagaalkii Adwa sannadkii 1896kii. Ka dibna, Itoobiya waxa ay Talyaaniga ku qasabtay in uu madaxbannaanideeda aqoonsado, Itoobiyana ay ka hadho sheegashada gobolka Talyaanigu gumaysto ee Eritrea. Sannadkii 1932kii, hoggaamiyihii Talyaaniga ee Mussolini waxa uu qaatay fikir dhulbalaadhsi ah, waxaanu ciidamo hor leh u diray Geeska Afrika si ay Itoobiya u qabsadaan.
Sannadkii 1936kii, Talyaanigu waxa uu qabsaday Somaliland, Somalia, Eritrea iyo Itoobiya, waxaanu ku dhawaaqay boqortooyada Talyaaniga ee Bariga Afrika.
Sannadkii 1941kii, ciidamo Ingiriisku hoggaaminaayo ayaa ka adkaaday ciidamadii Talyaaniga. Arrintaasi waxa ay dhabbaha u xaadhay in dadka reer Eritrea ay u qaybsamaan saddex qaybood: xornimodoon, midnimodoon iyo qaar rumaysan in nidaam federaali ah lagula midoobo Itoobiya. Xornimodoonka Eritrea waxa hoggaaminaayay Ibraahin Suldaan. Ingiriisku waxa uu soo jeediyay in dhulka Eritrea loo kala qaybiyo Itoobiya iyo Suudaan nidaam diin ku salaysan. Dawladaha kale ee reer Carbeedku waxa ay soo jeediyeen madaxbannaani degdeg ah oo la siiyo Eritrea. Dawladdii Midawga Soofiyeeti waxa ay soo jeedisay in Eritrea lagu celiyo gacanta Talyaaniga. Boqorkii Itoobiya waxa uu soo jeediyay in si shuruud la’aan ah Eritrea loogu celiyo gacanta Itoobiya.
Sannadkii 1950kii, Qaramada Midoobay waxa ay meelmariyeen in nidaam federaali ah ay Eritrea kaga mid noqoto dalka Itoobiya. Waxa qaraarka lagu sheegey in Eritrea ay yeelan doonto maamul hoosaadkeeda u gaarka ah sida arrimaha maamulka iyo garsoorka, calankeeda gaarka ah iyo afafkeeda u gaarka ah oo kala ah Tigrinya iyo Carabi. Sida oo kale, waxa dawladda Ingiriiska laga codsaday in ay doorasho gole baarlamaan ka qabato Eritrea, ka dibna ay kaga baxdo Eritrea ilaa September, 1952ka.
Boqor Haile Selassie waxa uu markiiba dejiyay calankii gaarka ahaa ee Eritrea, waxaanu bilaabay in uu afka Axmaariga ah ku baahiyo deegaamada Eritrea, sida oo kalena waxa uu la wareegay dhaqaalihii ka soo xaroon jiray Eritrea.
Arrimahaasi waxa ay abuureen kacdoon ay bilaabeen aqoonyahankii reer Eritrea.
Waxa hormood u ahaa Maxamed Nawd oo ku noolaa Suudaan, waxaanay aqoonyahankaasi abaabuleen dhaqdhaqaaqii xoraynta Eritrea ee ELM (Eritrean Liberation Movement), sannadkii 1957kii. Waxa sida oo kale Qaahira lagaga dhawaaqay Jabhaddii Xorraynta Eritrea ee ELF (Eritrean Liberation Front), sannadkii 1960kii oo uu hormood u ahaa Idiris Maxamed Aadan. Sida oo kale, waxa dhiniciisa dagaal jabhadayn ah ka bilaabay Xamiid Idiris oo galay buuraha Eritrea. Ugu dambayntiina, buurahaas ayay ka bilaabantay xabbadii ugu horraysay ee Itoobiya lagaga xoraynaayay Eritrea oo socotay muddo soddon sannadood ah.
Bishii November, 1962kii, waxa ay ciidamada Itoobiya kala direen baarlamaankii Eritrea, waxaana lagu dhawaaqay in Eritrea ay tahay gobolka 14aad ee dalweynaha Itoobiya. Laba sannadood ka dib ayuu dhintay Xamiid Idiris, waxaanay xooggagiisi ku biireen ELF. Sannadkii 1963kii, jabhaddii ELF waxa ay taageero kooban ka heshay dalalka Suudaan, Suuriya iyo Ciraaq. Xooggagan xornimodoonka ah ee reer Eritrea waxa ay u badnaayeen dad Muslimiin ah, taasi waxa ay keentay in Maraykanka iyo Israa’iil ay dareen xooggan ka qaadaan.
Sannadkii 1971kii ayay garab ka goostay ELF waxa ay asaaseen garabka sixitaanka ee ELF waxaana hoggaan ka noqday Abraham Tewolde iyo Asias Afwerki.
Sannadkii 1973kii ayay garabkani magac ahaan u qaateen EPLF (Eritrean Peoples’ Liberation Front), waxaana Xoghaye ka noqday Ramadaan Maxamed Nuur, Taliyaha ciidamadana waxa loo doortay Asias Afwerki. Labadii jabhaddood ee ELF iyo EPLF waxa ay ku heshiiyeen iskaashi ciidan, waxaanay sannadkii 1975kii qabsadeen 95% dhulweynaha Eritrea. Sannadkii 1977kii, EPLF waxa ay qabsatay shirweyne, waxaana Ramadaan Maxamed Nuur loo doortay Xoghayaha guud, Isias Afwerki ayaa isagana loo doortay Xoghaye-ku-xigeen.
Iyada oo jabhaduhu ay sii xoogaysanayaan, dawladda Itoobiya waxa ay taageero militari oo ballaadhan ka heshay dawladdii Midawga Soofiyeeti. Taageeradaasi waxa ay Itoobiya u sahashay in ay cagta mariso fadhiisimadii ciidamada jabhadaha, jabhaduhuna waxa ay bilaabeen dagaal dhuumaalaysi ah.
Sida oo kale, waxa ay dagaallo ka dhex bilaabmeen labadii jabhadood, ugu dambayntiina waxa cagta la sii mariyay jabhaddii ELF. Sannadkii 1981kii, jabhaddii EPLF ayaa noqotay tan kaliya ee ka dagaallanta gudaha dhulka Eritrea. Sannadkii 1982kii, duullaan ay ka qaybgaleen in ka badan 100,000 oo ciidamo Itoobiyaan ah ayaa lagu qaaday jabhaddii EPLF. Sida oo kale, hoggaamiyihii Itoobiya waxa uu xafiiskiisii Madaxtooyada u wareejiyay Asmara si uu duullaanka u korjoogteeyo. Bishii March, 1987kii ayaa Isias Afwerki loo doortay Xoghayaha jabhadda EPLF. Markiiba, EPLF waxa ay isbahaysi la samaysatay jabhaddii Tigrayga ee TPLF (Tigray Peoples’ Liberation Front) iyo tii Oromada ee OLF (Oromo Liberation Front), sida oo kale, waxa ay ciidamo iyo hub badan ku caawisay TPLF si ay gobolka Tigray uga qabsadaan ciidamada Itoobiya.
May 21, 1991kii ayaa hoggaamiyihii Itoobiya laga saaray magaalada Addis Ababa, ka dibna ciidamadii EPLF waxa ay qabsadeen magaalada Asmara, May 24, 1991kii, waxaana halkaas ku soo dhammaaday dagaal soddon sannadood qaatay oo ay dadka reer Eritrea la galeen Itoobiya. June 20, 1991kii, Isias Afwerki waxa uu ku dhawaaqay dawlad kumeelgaadh ah, taas oo sii xukumi doonta Eritrea ilaa afti dadweyne laga gaadhayo. Go’aankan waxa markiiba soo dhaweeyey jabhaddii TPLF ee qabsatay Addis Ababa, waxaana la go’aamiyay in muddo laba sannadood gudahood ah afti lagaga qaado dadka reer Eritrea. Aftidii dadweynaha waxa loo dareeray April 23, 1993kii. Ku dhawaad 99.8%, dadka reer Eritrea waxa ay u codeeyeen madaxbannaanida iyo xorriyadda dawladdeed. Ugu dambayntiina, May 24, 1993kii ayay Eritrea si rasmi ah u noqotay dawlad madaxbannaan. Afar maalmood ka dib, waxa ay ku biirtay Qaramada Midoobay oo ay noqotay dawladdii 182aad.
Ka dib go’itaanka Eritrea, waxa ay Itoobiya noqotay dawlad bad la’aan ah, tanina waxa ay ku keentay culays ballaadhan oo dhaqaale iyo mid siyaasaddeed.
Ismariwaa ka dhashay isticmaalka dekkadaha Eritrea, nidaamka cashuuraha iyo kala beddelka lacagaha ayaa muddo soo jiitamaayay. Dhawr sannadood oo xurguf siyaasaddeed ah ka dib, waxa uu dagaal dhinaca xuduudka ahi ka dhex qarxay Meles Zenawi iyo Asias Afwerki. Dagaalka rasmiga ah waxa soo dedejiyay isku dhac ciidan oo ka dhashay muranka magaalada xuduudka ku taalla ee Badme.
Dagaalkii Itoobiya iyo Eritrea ee sannadkii 1998kii waxa ku dhintay dad ka badan 100,000 oo ciidan ah. Go’aamadii dhexdhexaadinta ahaa ee ay soo saareen dhexdhexaadiyeyaashii caalamiga ahaa, waxa diiday Meles Zenawi. Taasina waxa ay keentay in colaadda labada dal ay sii riiq dheeraato.
Muddadii ay jirtay, Eritrea waxa ay dagaallo dhinaca xuduudka ah la gashay dawladaha deriskeeda ah ee Itoobiya, Suudaan, Yemen iyo Jabbuuti. Dawladda Eritrea waxa ay reer Galbeedku go’doomiyeen wakhti dheer, iyaga oo
siyaasadaheeda ku tilmaamay kuwo ‘gardarro ku dhisan’. Eritrea dhinaceeda waxa ay xidhiidh la samaysatay dalalka Shiinaha, Ruushka iyo Waqooyiga Kuuriya.
Dawladahan oo taageero dhaqaale iyo mid ciidan siinaayay muddo dheer.
Markii xukunka laga tuuray jabhaddii EPRDF/TPLF ee dalka Itoobiya sannadkii 2018kii, Raysalwasaaraha Itoobiyana loo cumaamaday Abiy Ahmed, isbeddel muuqta ayaa ku dhacay xidhiidhka Itoobiya iyo Eritrea. Itoobiya waxa ay sheegtay in ay dhulkii lagu dagaallamay ee Badme ku wareejin doonto Eritrea, waxaana dib u soo laabtay xidhiidhkii siyaasaddeed ee Addis Ababa iyo Asmara. Labada hoggaamiye ayaa bookhashooyin kala duwan sameeyey, waxaanay sheegeen in colaaddii labada dal ay dhammaatay. Xilligan, waxa ay Abiy iyo Asias yeesheen cadaw kaliya oo ah: TPLF.
Horraantii bishii November, 2020kii ayay ciidamada Itoobiya duullaan rasmi ah ku qaadeen Gobolka Tigray ee Waqooyiga dalka Itoobiya. Wajigii hore ee dagaalka, waxa dhimasho, dhaawac, qaar nolosha lagu qabtay iyo qaar baxsaday u qaybsamay kaadiriyiintii TPLF. Dagaalka waxa ka qaybgalay guutooyin ka socday Ciidamada Xoogga ee dalka Eritrea iyo diyaaradaha dagaalka ee Imaaraadka Carabta. Sida oo kale, waxa duullaanka ka qayb galay malleeshiyaad Axmaaro ah oo aargoosi doon ah. Waxa hal mar gacanta la wada saaray TPLF. Waxa dagaalkan ku dhintay 500,000 oo qof oo Tigray ah, waxaana ku barakacay malaayiin kale.
Dagaal muddo laba sannadood ah socday ka dib, kulan dhexdhexaadin ah oo ka dhacay dalka Koonfur Afrika ayaa lagu heshiisiiyay Abiy Ahmed iyo TPLF, balse heshiiskan waxa laga reebay oo aan qayb ka ahayn Asias Afwerki oo ciidamadiisu ay gudaha gobolka Tigray ka dagaallamayeen, tanina waxa ay keentay in ay isku dhacaan Abiy iyo Asias. Wixii intaas ka dambeeyey, Asmara waxa ay bilawday in ay la heshiiso cadawgeedii shalay oo ahaa TPLF, kuna caawiso in ay mar kale dagaallo culus ku qaadaan taliska Addis Ababa. Sida oo kale, waxa ay gacan xooggan siisay jabhadda Axmaarada ee Fano iyo tan Oromada ee OLA. Jabhadahan ayaa dagaallo xooggan ka wada gudaha Itoobiya. Addis Ababa dhinaceeda, waxa ay bilawday sheegashada qaybo ka mid ah dalka Eritrea gaar ahaan magaalada xeebta ah ee Assab, waxaanay sheegtay in maamulka magaalada Assab mar kale lagu soo celin doono gacanta Itoobiya.
Muddooyinkii ugu dambeeyey, labada dhinac waxa ay ciidamo xooggan ku soo daabbuleen xuduudaha u dhexeeya. Ilaa hadda, abaabul ciidan, hanjabaado dhinaca warbaahinta ah iyo xulafaysi heer gobol ama ilaa heer caalami ah ayay dhinacyadu ku hawlanyihiin. Eritrea waxa ay sheegtay in duullaan kasta oo Itoobiya ay dhulkeeda ku soo qaaddo ay kala kulmi doonto jab taariikhi ah.
Warbaahinta caalamku waxa ay tabinaysaa ifafaalaha colaaddeed ee ka dhex qarxi kara taliska Addis Ababa iyo kan Asmara, iyada oo laga cabsi qabo in colaad kasta oo labadan dal ka dhex qaraxdaa ay dhinacyo kale oo bannaanka ah ku casuumi doonto in ay qayb ka noqdaan colaadda. Taas oo colaadda u beddeli karta mid caalami ah, saamayn xoogganna ay ku yeelan karto Badda Cas, Webiga Nile iyo marinka Bab El-Mandeb.
W/Q: Nageeye Khaliif October, 2025