Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Ciidanka Tanzania Oo Lagu Eedeeyay Xasuuqa Inka Badan 3,000 Oo Rayid Ah.
  • Allposts
  • Warar

Ciidanka Tanzania Oo Lagu Eedeeyay Xasuuqa Inka Badan 3,000 Oo Rayid Ah.

November 9, 2025

Kooxo Afrikan ah, ayaa eedaymo culus oo xasuuq ah u jeediyay ciidamada dowladda Tanzania, kuwaas oo tan iyo doorashadii dalkaasi ka dhacday 29-kii Oktoobar dilay 3,000 qof oo rayid ah.

Warbixintan waxaa soo saaray inka badan 40 urur oo Afrikaan ah, kuwaas oo warbixintooda kusoo bandhigay magaalada Nairobi, waxayna ku sheegeen in dilalkaasi dhaceen kadib doorashadii guud ee Tanzania, taas oo ay ahayd mid qalalaase iyo dhiig badan uu ku daatay, kana dhasheen eedeymo ku saabsan musuq, caburin iyo internet-ka oo laga jaray guud ahaan wadanka oo dhan, si loo qariyo waxa socday.

Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen ururadan ayaa nuqul ka mida lagu yiri “Ilaa 7-dii Noofambar 2025, ugu yaraan 3,000 oo qof ayay ciidanka amaanka Tanzania dileen, halka weli kumannaan qof la la’yahay, iyadoo ay socoto isku day lagu daboolayo xaqiiqada oo ka mid tahay joojinta internet-ka, in la xanibo xawaarihiisa, tiradan waxaa laga yaabaa inay ka hooseyso tirada dhabta ah ee dadka la dilay.”.

Waxay kooxahan isugu jiraan ururo sheegta inay u doodaan xuquul insaanka, qareenno, iyo kooxo kale oo ka socda 10 dal oo Afrikaan ah, waxay sheegeen in ay hayaan sawirro iyo muuqaallo ay warbaahintu heli karto oo caddeyn u noqon kara dhacdooyinka xasuuqa ah ee ay gaysteen ciidanka Tanzaaniya.

Wakaaladda wararka ee Anaadool ayaa sheegay in haddii tirada dhimashada ee lagu sheegay warbixinta ay xaqiiqo noqoto ay noqonayso mid ka mid ah tacaddiyaddii siyaasadeed ee ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca bariga Afrika sannadadan dambe.

Urur gaaleedka qaramada midoobay iyo ururo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa horey u xaqiijiyay in ay jireen dad la dilay iyo kuwa kale oo la xiray doorashada kaddib, ururadan waxay sheegeen in dadka la dilay ay ka mid ahaayeen dibadbaxayaal, caruur waddooyinka ku nool, shaqaale caafimaad, iyo dad shacab ah oo aan qayb ah ka ahayn mudaaharaadyada, waxay sidoo kale dowladda ku eedeeyeen in dalka oo dhan ka qoday xabaal wadareedyo, si gaar ahna waxay u xuseen deegaanka lagu magacaabo Mabwepande, si loo qariyo bay dhaheen caddeynta dadka la xasuuqay.

Warbixinta oo aad u dheer waxay intaa ku dartay in cisbitaallada ay si dhow u ilaaliyaan ciidamo Booliis ah iyo hay’ado sirdoon, kuwaas oo shaqadoodu ay tahay inay dadka mobillada ka qaadaan, kaddibna tirtiraan muuqaallada, isla markaana ay qaraabada u diidaan inay booqdaan maydadka, Dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha caafimaadka ayay sidoo kale dowladdu ku amrtay bay dhaheen inay si ula kac ah u dhaawacaan ama u dilaan dadka dhaawacyada culus qaba ee rasaastu haleeshay.

Madaxweynaha dib isu dooratay ee Tanzania, haweenayda lagu magacaabo Saamiya Suluxu, ayay ku baaqeen inay is casisho, halka saraakiisha ciidan ee ammaankana ee arrintan lagu eedeeyay ku baaqeen in la maxkamadeeyo.

Madaxda Afrikaanta ah waxay caan ku yihiin inay kuraasta dhiig ku gaaraan, qaar kale ayaa iska jooga sannado badan iyaga oo talada isku soo koobay oo aysan jirin cid la tartanta, halka dalalka qaarna ay madax ka yihiin generallo afgambi ku qabsaday talada dalalkaasi.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -18-05-1447 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -19-05-1447-Hijri.

Related Stories

Maleeshiyo Ka Tirsan Sirdoonka Gurguurte Oo Gedo Lagu Qarxiyay.
  • Allposts
  • Warar

Maleeshiyo Ka Tirsan Sirdoonka Gurguurte Oo Gedo Lagu Qarxiyay.

November 9, 2025
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -19-05-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -19-05-1447-Hijri.

November 9, 2025
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -18-05-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -18-05-1447 Hijri.

November 9, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 38 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 38 aad)

November 1, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 37 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 37 aad)

October 27, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 36 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 36 aad)

October 20, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 35 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 35 aad)

October 12, 2025

Sawirro

Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.

October 24, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Furashada Mujaahidiinta Ee Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Furashada Mujaahidiinta Ee Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.

August 17, 2025
Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.

August 9, 2025
Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.

August 5, 2025
Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.

August 4, 2025
Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.

July 20, 2025
Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.

July 15, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.

July 13, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada