Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Ciidanka Tanzania Oo Lagu Eedeeyay Xasuuqa Inka Badan 3,000 Oo Rayid Ah.
  • Allposts
  • Warar

Ciidanka Tanzania Oo Lagu Eedeeyay Xasuuqa Inka Badan 3,000 Oo Rayid Ah.

November 9, 2025

Kooxo Afrikan ah, ayaa eedaymo culus oo xasuuq ah u jeediyay ciidamada dowladda Tanzania, kuwaas oo tan iyo doorashadii dalkaasi ka dhacday 29-kii Oktoobar dilay 3,000 qof oo rayid ah.

Warbixintan waxaa soo saaray inka badan 40 urur oo Afrikaan ah, kuwaas oo warbixintooda kusoo bandhigay magaalada Nairobi, waxayna ku sheegeen in dilalkaasi dhaceen kadib doorashadii guud ee Tanzania, taas oo ay ahayd mid qalalaase iyo dhiig badan uu ku daatay, kana dhasheen eedeymo ku saabsan musuq, caburin iyo internet-ka oo laga jaray guud ahaan wadanka oo dhan, si loo qariyo waxa socday.

Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen ururadan ayaa nuqul ka mida lagu yiri “Ilaa 7-dii Noofambar 2025, ugu yaraan 3,000 oo qof ayay ciidanka amaanka Tanzania dileen, halka weli kumannaan qof la la’yahay, iyadoo ay socoto isku day lagu daboolayo xaqiiqada oo ka mid tahay joojinta internet-ka, in la xanibo xawaarihiisa, tiradan waxaa laga yaabaa inay ka hooseyso tirada dhabta ah ee dadka la dilay.”.

Waxay kooxahan isugu jiraan ururo sheegta inay u doodaan xuquul insaanka, qareenno, iyo kooxo kale oo ka socda 10 dal oo Afrikaan ah, waxay sheegeen in ay hayaan sawirro iyo muuqaallo ay warbaahintu heli karto oo caddeyn u noqon kara dhacdooyinka xasuuqa ah ee ay gaysteen ciidanka Tanzaaniya.

Wakaaladda wararka ee Anaadool ayaa sheegay in haddii tirada dhimashada ee lagu sheegay warbixinta ay xaqiiqo noqoto ay noqonayso mid ka mid ah tacaddiyaddii siyaasadeed ee ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca bariga Afrika sannadadan dambe.

Urur gaaleedka qaramada midoobay iyo ururo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa horey u xaqiijiyay in ay jireen dad la dilay iyo kuwa kale oo la xiray doorashada kaddib, ururadan waxay sheegeen in dadka la dilay ay ka mid ahaayeen dibadbaxayaal, caruur waddooyinka ku nool, shaqaale caafimaad, iyo dad shacab ah oo aan qayb ah ka ahayn mudaaharaadyada, waxay sidoo kale dowladda ku eedeeyeen in dalka oo dhan ka qoday xabaal wadareedyo, si gaar ahna waxay u xuseen deegaanka lagu magacaabo Mabwepande, si loo qariyo bay dhaheen caddeynta dadka la xasuuqay.

Warbixinta oo aad u dheer waxay intaa ku dartay in cisbitaallada ay si dhow u ilaaliyaan ciidamo Booliis ah iyo hay’ado sirdoon, kuwaas oo shaqadoodu ay tahay inay dadka mobillada ka qaadaan, kaddibna tirtiraan muuqaallada, isla markaana ay qaraabada u diidaan inay booqdaan maydadka, Dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha caafimaadka ayay sidoo kale dowladdu ku amrtay bay dhaheen inay si ula kac ah u dhaawacaan ama u dilaan dadka dhaawacyada culus qaba ee rasaastu haleeshay.

Madaxweynaha dib isu dooratay ee Tanzania, haweenayda lagu magacaabo Saamiya Suluxu, ayay ku baaqeen inay is casisho, halka saraakiisha ciidan ee ammaankana ee arrintan lagu eedeeyay ku baaqeen in la maxkamadeeyo.

Madaxda Afrikaanta ah waxay caan ku yihiin inay kuraasta dhiig ku gaaraan, qaar kale ayaa iska jooga sannado badan iyaga oo talada isku soo koobay oo aysan jirin cid la tartanta, halka dalalka qaarna ay madax ka yihiin generallo afgambi ku qabsaday talada dalalkaasi.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -18-05-1447 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -19-05-1447-Hijri.

Related Stories

Maamulka Deni Oo Go’aan Kasoo Saaray Maleeshiyo Kooxda Gurguurte Ka Abaabulayso Gudaha Degaannadeeda.
  • Allposts
  • Warar

Maamulka Deni Oo Go’aan Kasoo Saaray Maleeshiyo Kooxda Gurguurte Ka Abaabulayso Gudaha Degaannadeeda.

June 11, 2026
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -25-Dulxijah-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -25-Dulxijah-1447-Hijri

June 11, 2026
Ciidanka Itoobiya Iyo Maleeshiyada Gurguurte Oo Lagu Weeraray Baay, Sh/hoose Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Warar

Ciidanka Itoobiya Iyo Maleeshiyada Gurguurte Oo Lagu Weeraray Baay, Sh/hoose Iyo Gedo.

June 11, 2026

Sawirro

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada