Golaha ay ku midaysanyihiin xubnaha ugu saamaynta badan mucaaradka oo ay ku jiraan madaxda maamul goboleedyada ashahaada la dirirka Jubbaland iyo Puntland, ayaa soo saaray bayaan ka dhan ah kooxda Gurguurte, kaddib kulamo ay ku yeesheen magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.
Warsaxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen xubnahan oo ka kooban kuwa madasha Samatabixinta isku magacaabay iyo madaxda maamullada Riddada ah ee ay hogaamiyaan Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, ayaa lagu sheegay in dhinacyadu muddo saddex maalmood ah ay kulamo uga socdeen magaalada Nairobi, diaaradda na saareen arrimaha amniga iyo siyaasadda, si gaar ahna doorashooyin gaaleedka Riddada.
Waxay sheegeen inay si adag uga soo horjeedaan qorsheyaal ay tilmaameen inay ku howlan tahay kooxda Riddada ee uu hoggaamiyo Gurguurte oo ay ka mid yihiin tallaabooyin horseedaya in hay’adaha Riddadu samaystaan muddo kororsi iyo qabashada doorasho aan heshiis lagu ahayn, sida ay hadalka u dhigeen.
Waxay sidoo kale kasoo horjeesteen wax ka beddel kasta oo kooxda Riddada ee fadhigeedu yahay Muqdisho ku sameysay amba ku sameyn doonto ayay dhaheen dastuur gaaleedka u degsan kooxdaasi.
Golahan isku magacaabay mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa shaaciyay inay isugu iman doonaan shirweyne ka dhici doona Somalia, waxay si cad uga soo horjeesteen nidaamka E-visa ee kooxda Gurguurte soo kordhisay dhowaan ee buuqa badan dhaliyay, waxay ku tilmaameen mid madaxda Riddadu dano dhaqaale ka leeyihiin.
Go’aammadaan kasoo baxay xubnaha ugu saamaynta badan mucaaradka uu wajahayo Xasan Gurguurte, ayaa kusoo beegmaya xilli kooxda Riddada ah ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho wajahayso cadaadisyo caalami ah iyo kuwa maxalli ah oo ku aaddan doorashooyinka.
Maraykanka ayaa dhowaan digniin culus u diray Xassan Gurguurte, wuxuuna u sheegay in wixii ka dambeeya bisha December ee dhammaadka sannadkan uu siyaasad ahaan isku dhiibo, haddii uusan sidaas sameyna uu wajahi doono hubanti la’aan.