Xogo faahfaahsan ayaa kasoo baxaya weerar kamiin ah oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka deegaanka Baarsanguuni ee Jubbada hoose, halkaas oo lagu beegsaday maleeshiyo murtadiin lug ah, khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac na la gaarsiiyay.
Waxaa sii kordhay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee maleeshiyada murtadiinta ah lagu gaarsiiyay weerarkaasi, waxayna hadda dhimashadu maraysaa saddex murtadiin ah oo mid ka mid ah uu ahaa sarkaal ciidan oo taliye Unug ah.
Waxaa sidoo kale weerarkan jidgalka ah lagu dhaawacay inta la hubiyay ugu yaraan 7 askari oo murtadiin ah, waxaa xusid mudan in goobtii uu weerarkan dhabbagalka ah ka dhacay uu maanta markale marti-geliyay kamiin kale, kaasi oo aan xog faahfaahsan laga helin.