Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Xaaladda Calooshood-u-shaqaystayaasha AUSSOM Oo Si Weyn Looga Dayriyey.
  • Allposts
  • Warar

Xaaladda Calooshood-u-shaqaystayaasha AUSSOM Oo Si Weyn Looga Dayriyey.

November 15, 2025

Tan iyo wixii ka dambeeyey markii kuffaarta caalamku ay joojiyeen inta badan dhaqaalihii ay ku bixin jireen hawl-galka AUSSOM, waxaa sii xoogaysanaaya welwelka iyo walaaca hareeyey calooshodod-u-shaqaystayaasha Afrikaanta ah ee loosoo wakiishay duullaanka saliibiga ah ee lagu soo qaaday dalka Soomaaliya.

K24 TV, oo ah Telefishan laga leeyahay dalka Kenya ayaa warbixin uu ku baahiyey mareegta uu ku leeyahay bartiisa Internetka, wuxuu kaga hadlay saamaynta ay dhaqaale la’aantu ku yeelatay ciidamada Kenya gaar ahaan iyo guud ahaan ciidamada Afrikaanta AUSSOM.

Waxa uu sheegay in ciidamada Kenya ay la daalaa-dhacayaan saameynta ay ku yeelatay hoosu-dhaca ku yimid dhaqaalihii lagu siin jiray duullaanka Soomaaliya, isla markaana uu xaalad halis gelinayo ciidamada Afrikaanta ah ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Telefishanku wuxuu ka sanqariyey in Taliye-ku-xigeenka ciidamada Kenya murtadka lagu magacaabo Maxamed Xassan uu si cad u sheegay in hoosu-dhaca dhaqaale ay saamayn toos ah ku yeelatay hawl-galladoodii dhulka, waxaanu carabaabay in ciidamaduna ay haatan tabar-gabeen oo aanay sii wadi karin duullaanka Soomaaliya.

Hoos-u-dhaca taageerada dhaqaale, gaar ahaan tan ka timaadda waddamada reer-galbeedka, ayuu telefishanku xusay in ay sababtay caqabado dhinaca sahayda ah, iyo dib u dhac ku yimaadda beddelaadda ciidamada, iyo sidoo kale agabyada muhiimka ah oo aad u yaraaday sida shidaalka, qalabka caafimaadka, iyo qalabka isgaarsiinta.

Warbixintu waxay hoosta ka xariiqday in caqabadahan dhaqaale sababi karaan in macatableyda AUSSOM laga fara-maroojiyo meelihii koobnaa ee ay kaga sugnaayeen Soomaaliya, amaba ay abuuri karaan farqi amni oo ay ka faa’iidaystaan Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Telefishanka K24 TV isagoo sii wata warbixintiisan, ayuu ka dhawaajiyey in dhibaatadan dhaqaale ay si toos ah u wiiqayso ciidamada Kenya, iyo sidoo kale calooshood-u-shaqaystayaasha kale ee qaybta ka ah hawl-galka macatab-ku-dirirka ah ee isbahaysiga AUSSOM.

Haddii farqiga dhaqaale uu sidan sii ahaato, waxa halis ku jira ayay tiri warbixintu in gebi ahaanba uu burburo nidaamkii kooxda Riddada Soomaaliya ee sanadada badan ay Kuffaarta caalamku ku dedaalaysay inay ka hir-geliyaan gayiga Soomaaliya.

Gunaanadkii, warbixintu waxay tilmaantay in hawl-galkan ay Kenya qaybta tahay ee isbahaysiga AUSSOM uu haadaan ka lusho, waxaana ciidamada calooshood-u-shaqaystayaasha ku adkaan doonta ayay tiri inay kusii adkaystaan dhufaysyada ay haatan ku jiraan iyo inay iska difaacaan weerarrada kaga imaanaya Mujaahidiinta Al-Shabaab.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -24-05-1447 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -24-05-1447 Hijri.

Related Stories

Daawo Qaybta 27-aad Gurmadka Mujaahidiintu Gaarsiiyeen Dadka Abaaruhu Saameeyeen.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Qaybta 27-aad Gurmadka Mujaahidiintu Gaarsiiyeen Dadka Abaaruhu Saameeyeen.

June 11, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -26-12-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -26-12-1447-Hijri

June 11, 2026
Daawo Qaybta 2-aad Tartanka Taajul Quraa Sannadka 1447.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Qaybta 2-aad Tartanka Taajul Quraa Sannadka 1447.

June 11, 2026

Sawirro

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada