Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada Baay, waxay saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen saldhig ciidan oo maleeshiyaadka murtadiinta ah ku leeyihiin degmada Diinsoor, taasi oo lagu magacaabo Xero Koowaad.
Weerarka ayaa Allah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, lama helin xog faahfaahsan oo ku aaddan haddii uu jiro khasaare dagaalka kasoo gaaray maleeshiyaadka Riddada, maadaama uu dagaalku dhacay xilli habeen ah.
Dhanka kale, waxaa faahfaahinno dheeraad ah laga helayaa dagaal culus oo ciidamada mujaahidiintu ay ku qaadeen saldhigga ciidamada kuffaarta Afrikaanta ay kaga suganyihiin degmada Jannaale ee wilaayada Sh/hoose, ugu yaraan hal askari oo Yugaandhees ah ayaa weerarka lagu dilay halka laba askari oo kalena dhaawacyo culus oo gaareen.