Ciidamada saliibiyiinta Maraykanka oo kaashanaya murtadiinta dabadhilifyafa u ah ayaa dad shabac muslimiin ah ku xasuuqay duqaymo ay ka geysteen degmada Jamaame ee wilaayada Islaamiga ah ee Jubada hoose.
Saliibiyiinta Maraykanka oo adeegsanaya diyaarado iyo madaafiic ayaa si aan loo meel-deyin u duqeeyay xaafadaha degmada Jamaame, waxayna duqaymahaas ku beegsadeen guryaha shacabka, goobo ganacsi, iyo xarumo warbarasho.
Dadka shacabka muslimiinta ah ee ku shahiiday duqaymaha saliibiyiinta Maraykanka ayaa gaaraya 12 qof, kuwaas oo iskugu jira 8 caruur ah, 3 dumar ah iyo nin oday ah, sidoo kale waxaa duqaymaha cadawga ku dhaawacmay 9 qof oo kale.
Hoos Ka Daawo Sawirrada.
