Xiisado colaadeed iyo abaabil ciidan ayaa ka socda degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaasi oo ay weli isku hayaan kooxda Riddada Soomaaliya iyo maamul goboleedka uu madaxa u yahay murtad Axmed Madoobe.
Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa soo sheegaya in xiisado colaadeed ay kasoo cusboonaadeen degmadaasi, kaddib markii madaxa maamulka Riddada ah ee Jubbaland uu maleeshiyo badan geeyay duleedka degmadaasi.
Maamulka ashahaada la dirirka ah ee fadhigiisu yahay Kismayo ayaa sheegay in saraakiisha ciidankiisa ay duleedka Beledxaawo kula hadleen maleeshiyo badan oo ay geeyeen duleedka degmadaasi, waxayna sheegeen inay ku jiraan diyaar garow dagaal.
Maamulka uu hoggaamiyo murtad Axmed Madoobe, ayaa lasoo warinayaa in uu dedaal ugu jira sidii uu markale u hanan lahaa maamulka demadan oo ay dagaal uga saareen maleeshiyada kooxda Riddada Soomaaliya.
Abaabulka ciidan iyo xiisadda colaadeed ayaa laga dareemayaa Balad-xaawo, dhowr jeer oo hore ayay labadan maleeshiyaad ee murtadiinta ah isku fara-saareen degmada, halkaas oo ay ku dhinteen dad shacab ah, sidoo kalena ku barakaceen dadkii rayidka ee lagu dul-dagaallamay.