Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab waxay saacadihii lasoo dhaafay howlgal culus oo qarax ah la eegteen kolonyo ciidamo ah oo ka tirsan kuffaarta Kenya, kuwaas oo ku socdaalayay agagaarka deegaanka Kulan ee hoostaga magaalada Dhadhaaab ee gobolka Gaarissa ee ku hoos jira gumaysiga saliibiyiinta Kenya.
Howlgalkaasi qaraxa ah waxaa inta la xaqiijiyay ku dhintay ilaa sagaal askari oo saliibiyiin Kenyaan ah oo uu ku jiro sarkaal Kenyaati ah oo si aad ah u dhibi jiray muslimiinta ku dhaqan gobolkaas, halka sidoo kalena uu dhaawac soo gaaray ilaa saddex askari oo kale oo Kenyan ah.
Qaraxan barakaysan oo Allaah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxay sidoo kale ciidamada mujaahidiintu ku gubeen gaari Kooyal ah oo qayb ka ahaa kolonyada la qarxiyay ee saliibiyiinta Kenya, waana mid ka mid ah howlgallada ciidan ee mujaahidiintu ka wadaan NFD oo lagu ugaarsanayo kuffaarta Kenya.