Andalus Podcast, waa barnaamij toddobaadle ah oo ka baxa idaacadda islaamiga Al-andalus maalinkasta oo khamiis ah, waxaa marti ku ah shakhsiyad waayo joog ah oo umadda Soomaaliyeed u faa’iideyn kara tagtadii soo martay iyo waxyaabihii laga dhaxlay.
Dhanka kale barnaamijka waa mid aqon kororsi ah, waxaana lagu gorfeeyaa mawaadiic mugleh oo wax tar uleh umadda Soomaaliyeed.
Toddobaadkaan waxaa barnaamijka markale marti ku ahaa Abwaan Nageeye Cali Khaliif, waxaanu barnaamijka kaga hadlay xiisadda ka taagan Geeska Africa, isagoo ka jawaabay su’aalo lagu waydiiyay barnaamijka oo ay ka mid yihiin maxaa ka socda Suudaan?, waa maxay xiisadda kasoo cosboonaatay Itoobiya? ma dhabbaa in uu soo dhawaaday dagaalka Asmar iyo Addis-ababa? Wa Ayyo laacibiinta ku loollamaya gobolka? Soomaaliyase halkee ka taagan tahay hardanka soconaya? Maxaase mustaqbalka laga filan karaa gobolka?.
Halkan ka dhagayso xalqada maanta ama hoos ka dhagayso dhammaan xalaqaadka kale.