Ciidamada guutada qaraxyada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada Baay, waxay qaraxyo gaaraya ilaa 2 Qarax oo ay ka fuliyeen gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, la beegsadeen guri uu magaaladaasi ka degganyahay xog-hayaha madaxa maamulka ashahaada la dirirka Koonfur-galbeed murtad Lafta-gareen.
Howlgalka ayaa Allaha fadligiis beegsaday guriga masuulkaasi ka tirsan maamulka uu madaxa u yahay Cabdicasiis Laftagareen, waxaana lasoo wariyay in howlgalka uu dhaliyay khasaare, inkastoo aan xog rasmi ah laga helin inta uu gaariisan yahay khasaarahaasi.
Isla Baay, waxay ciidamo ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus ku qaadeen saldhiga maleeshiyaadka murtadiinta ee deegaanka Goof-gaduud Buurrey ee hoostaga magaalada Baydhaba, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.