Iyadoo xiisadaha ka aloosan guud ahaan Itoobiya ay sii laba-laxaadsadeen, ayaa wararkii ugu dambeeyey waxay sheegayaan dagaallo culus oo maalmihii lasoo dhaafay ciidanka Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka Fano ku dhex-maray gobolka Amxaarada.
Afhayeen u hadlay Jabhadda Fano, ayaa sheegay in ay weerar culus ay ku qaadeen ciidamada Itoobiyaan ah oo uu sheegay in muddo bilooyin ah ay ku sugnaayeen deggaanka Bergibi oo u dhow Magaalada Ataye ee waqooyiga Shawa.
Waxa uu xusay in weerarku dhacay Khamiistii lasoo dhaafay, kadib markii afar jiho ay ka weerareen ciidamada Itoobiya, halkaasna uu ka dhacay dagaal culus oo maryo-dhiig leh lagu kala furtay, isla markaana si xooggan loogu jebiyey ciidamada Itoobiya.
Sidoo kale afhayeenka Fano waxa uu ka sanqariyey in ay fashiliyeen ciidamo gurmad ahaan loogu soo diray ciidamada Itoobiya kadib markii ay xaaladdu ku cuslaatay. Sidoo kalena uu khasaare culus kasoo gaaray dagaallo galabnimadii ka dhacay buuro loo yaqaan Ameja Gebriel.
Fano ma aysan sheegin tirakoobka khasaaraha ka dhashay dagaalladaasi, balse afhayeenku wuxuu ka dhawaajiyey in ciidamada Itoobiya saddex baabuur oo kuwa gurmadka deg-degga ah ee ambalaaska ay goobtaasi kaga daabuleen askar fara badan oo bakhti iyo dhaawac isugu jirta.
Wargeyska Itoobiyaanka ah ee Borkena ayaa isna sheegay in ay jiraan warar kale oo madax-bannaan oo tibaaxaya in hawl-galkaasi oo ahaa mid aad u culus dhegta dhiigga loogu daray ugu yaraan 180 askari oo ka mid ah ciidanka federaalka ee dawladda Xabashida Itoobiya.
Dagaalladan oo aanu ka hadal maamulka saliibiga ah ee Abiy Axmed, ayaa imanaya ku dhawaad laba usbuuc ka hor markii sidan oo kale dagaallo culus ay u dhex-mareen labada dhinac, ku dhawaad 90 askarina laga dilay ciidanka Xabashida Itoobiya.