Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Gurguurte Oo Weji-gabax Kala Kulmay Arday Soomaaliyeed Oo Uu Kula Hadlayay Muqdisho.
  • Allposts
  • Warar

Gurguurte Oo Weji-gabax Kala Kulmay Arday Soomaaliyeed Oo Uu Kula Hadlayay Muqdisho.

November 23, 2025

Madaxa kooxda Riddada Soomaaliya, murtad Xassan Gurguurte oo caan ku ah boobka dhulalka danta-guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay, ayaa weji-gabax kala kulmay Arday Soomaaliyeed oo uu doonayay in uu kula hadlo garoonka ciyaaraha ee magaalada Muqdisho.

Ardaydan oo kumannaan ah, ayaa qaab qasab ah lagu geeyay garoonka ciyaaraha ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu madaxa kooxda Riddada ka jeediyay khudbad ay ku sheegeen munaasabadda macallinka Soomaaliyeed.

Ardayda oo muddo saacado ah ku sugnaa garoonka, ayaa markii ay ka war heleen in uu goobta iman doono murtad Gurguurte, waxay sameeyeen isku soo bax ballaaran oo cabasho ah oo ka dhan ah madaxa kooxda Riddada, kaasi oo burburiyay guryahooda, barakiciyayna qoysaskooda.

Mudaaharaadka ardayda ayaa ahaa mid wayn, waxayna mar qura gudaha u galeen garoonka oo waxay kasoo gudbeen qaybta sare ee la fariisiyay, waxayna jejebiyeen kuraasta tiillay garoonka sida laga dheehan karo muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada.

Maleeshiyaadka Riddada, ayaa si ay u qamciyaan mudaaharaadka ardayda, ugana hortagaan kacdoonka ka dhanka ah Gurguurte, waxay adeegsadeen rassaas nool nool, taasi oo sababtay dhaawaca mid ka mid ah ardayda.

Mudaaharaadka ay sameeyeen ardayda wax ka dhigta iskuulaadka iyo xarumaha waxbarasho ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka hdlay xubno siyaasiyiin ah oo uu ka mid yahay murtad Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isagu bogaadiyay kacdoonka ardayda.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku yiri” Tani waa falcelin dabiici ah oo ka imaanaysa arday waalidkii la barakiciyey, iskuulkiisii la xaraashay, ka dibna qasab lagu keenay garoonka ciyaaraha, saacado illinka lagu baarayey oo uu qorraxda ku caddibnaa, ilaa iyo inta madaxdu ka imaanayso, ogna in Madaxweynaha waddooyinka u xiran yihiin ilaa iyo inta uu halkaa ku suganyahayna ay shacabka ka xirnaanayaan.”

Wuxuu sheegay in tani tahay farriin cad oo ku socota kuwa iska indha tiray dhibaatooyinka ay ku hayaan shacabka caasimadda, isaga oo sheegay in sidoo kale tallaabada ardayda Soomaaliyeed ay weji-gabax ku tahay madaxa kooxda Riddada murtad Gurguurte iyo wasiirkiisa waxbarashada oo isagu si qasab ah goobta ku keenay ardayda kacdoonka sameeyay.

Markii uu Xassan Gurguurte yimid garoonka, wuxuu goobta ka jeediyay khudbad, isku soo baxa ay sameeyeen ardayda ee ka dhanka ahaa Gurguurte ayaana sababay in Xassan Sheekh uu waayo arday uu sawirro la galo.

Dadka Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada, ayaa tallaabada ay ku dhaqaaqeen ardayda Soomaaliyeed ku sifeeyay mid ka dhalatay boobka xarka goosadka ah ee murtad Gurguurte ku sameeyay dhulalka danta-guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee uu shacabka Soomaaliyeed ugu awood sheegtay.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 02-06-1447-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -02-06-1447 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -02-Rabiicu-Thaanii-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -02-Rabiicu-Thaanii-1448-Hijri.

September 13, 2026
Jeneraal Katirsanaa Xukuumadda Yemen Oo La Sheegay In Uu Ubaxsaday Soomaaliya.
  • Allposts
  • Warar

Jeneraal Katirsanaa Xukuumadda Yemen Oo La Sheegay In Uu Ubaxsaday Soomaaliya.

September 13, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 02-04-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 02-04-1448-Hijri.

September 13, 2026

Sawirro

Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.

September 4, 2026
Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.

August 3, 2026
Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.

August 1, 2026
Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada