Saacado kadib markii uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo madaxweynihii hore ee kooxda Ridada soomaaliya uu ka hadlay dhibaatooyinka isbarkan ee kajira magaalada Muqdisho ayuu durbadiiba si kulul uga jawaabay Xasan Gurguurte.
Hoggaamiyaha kooxda Riddada ayaa ku eedeeyay siyaasiyiin uu Farmaajo kamid yahay in ay dacaayado ka fidanayaan kooxdiisa islamarkaana doonayaan in ay suurad xumeeyeen xukuumadda Riddada.
Xasan Gurguurte oo kalimad ka jeedinayay isku imaatin ay qabatay kooxdiisa ayaa qiray in Faqri iyo dhaqaale darro xooggan ay Muqdisho ka jiraan balse aysan aheyn sida ay siyaasiyiinta mucaaradka ah usheegayan.
Wuxuu uga digay mucaaradka in ay sii wadaan eedaymaha ay ujeedinayeen kooxdiisa isagoo ku sifeeyay kuwa wax xun sheeg ah oo aan dooneyn in ay ammaanaan kooxda Riddada.
Hadal uu Farmaajo habeen hore ka jeediyay hotel ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho ayuu ku weeraray Xasan Gurguurte iyo xukuumddiisa arrinkaas oo ay ka caroodeen madaxda ugu sarraysa kooxda Riddada.