Wargayska Addis-standard, ayaa isagoo soo xiganayo ilo wareedyo saraakiil iyo goobjoogeyaal ah sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Kenya ay kasoo gudbeen soohdin-beenaadka u dhaxeeya Kenya iyo dhulka Somali-galbeed ee ku hoos jira gumeysiga xabashida Itoobiya.
Dadka uu soo xiganayo waxaa ka mid ah nin lagu magacaabo Xuseen, kaasi oo sheegay in ciidamo ka tirsan ammaanka Kenya ay sabtidii lasoo dhaafay gudaha u galeen magaalada Mooyaale, halkaasina ku dileen sarkaal ka tirsan maamulka xabashida, halka sidoo kalena ay goobta ka afduubteen qof kale oo shacab ah.
Weerarka ayuu sheegay in uu si gaar ah uga dhacay xaafadda Bole 02, waxa uuna ka dambeeyay buu yiri markii ciidamo Kenyan ah ay isku dayeen inay gacanta ku dhigaan nin Itoobiyaan ah oo lagu magacaabo Wariyo Guracha, wuxuuna sheegay in 3 gaari oo Kenya leedahay ay kasoo tallaabeen xad-beenaadka, ka dibna tageen guriga ninka ay xireen, dood kadib ninka ayaa ka biya diiday in ay kaxaystaan ciidanka Kenya, waxaana laga soo xigtay isagoo leh “Haddii aan dembi galay, waxaa i xiraya oo keliya dowladda Itoobiya; wadan deris ah xaq uma laha inuu i qabto.”
Intaas ka dib wuxuu wargaysku sheegay in ciidanka Kenya u yeereen sarkaal Itoobiyaan ah oo lagu magacaabo Abduba Wariyo Dida, sidaasi si la mid ah ayuu isagana uga biya diiday inay xirtaan ninka Itoobiyaanka ah.
Dood dheer kaddib sarkaal Kenyan ah ayaa goobta ku dilay, sidoo kalena ka qaatay bastooladdii uu watay sarkaalka la oran jiray Abduba, dilka ka dibna waxay ciidanka Kenya goobta ka afduubteen ninka ay doonayeen.
Wargayska Addis oo soo xiganaya duqa Itoobiya ugu magacaaban magaalada Moyaale, ayaa xaqiijiyay in dilka ay geysteen ciidamo Kenyan ah oo uu xusay inay si sharci-darro ah uga soo gudbeen xuduud beenaadka, sida uu hadalka u dhigay.
Geesta kale waxaa war midkan ka duwan baahisay warbaahin Kenyan ah, taa oo sheegtay in ciidanka Itoobiya ay gudaha usoo galeen dhulka Kenya 2_Km, taasoo keentay dagaal qaatay 2 saacadood oo si gaar ah uga ka dhacay meel lagu magacaabo Sesi, waxay_na sheegeen in aysan jirin ciidamo Kenyaan ah oo ku dhintay ama ku dhaawacmay goobta, ayna ciidamada difaaca Kenya ku guulesyteen inay xakameeyaan xaaladda, sida ay warka u dhigtay, wallow uu warkaasi beeniyay duqa Itoobiya ugu magacaaban Mooyaale.