Wararka ka imaanaya duleedka degmada Afgooye ee wilaayada Sh/hoose, ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan kooxda Riddada, gaar ahaan kuwa loogu yeero Alpha Group ay xasuuq ka gaysteen deegaan dhaca duleedka degmada Afgooye.
Maleeshiyadan murtadiin ah ayaa ka baxay magaalada Muqdisho, waxayna weerar habeen-dheelmad ah ku laayeen dad shacab ah oo degganaa deegaanka Jambaluul oo ka mid ah deegaannada hoostaga degmada Afgooye.
Inta la xaqiijiyay waxay maleeshiyadan murtadiinta ah deegaankaan ku dileen 14 ruux oo shacab ah, halka ay sidoo kalena ku dhaawaceen 25 kale, waana mid ka mid ah xasuuqyada ay maleeshiyada murtadiinta ah ka gaystaan Sh/hoose, kuwaas oo ay ku beegsadaan dadka shacabka ah, gaar ahaan dadka beerralayda ah.