Wararka ka imaanaya waqooyiga Soomaaliya, ayaa sheegaya in shil baabuur uu maanta ka dhacay deegaan u dhaxeeya magaalooyinka Berbera iyo Sheekh.
Shilka gaari ayaa si gaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Geel-lookor, waxaana halkaas ku galay ilaa lix baabuur oo isugu jira gaadiid xamuul ah, kuwa raaxada iyo kuwa rakaabka ah.
Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada oo laga soo qaaday goobta uu shilku ka dhacay ayaa muujinayay gaadiid madaxa iskula jira iyo kuwa kale oo waddada ka baxay.
Ilo wareedyo ayaa sheegay in khasaaruhu ka yaryahay sida uu shilku u dhacay, waxayna sheegeen in shilkaasi gaari ay ku dhaawacmeen 3 qof, kuwaas oo dhaawacoodu yahay mid fudud.
Wararku waxay intaa ku darayaan in dhaawacyada la geeyay cisbitaal kuyaal magaalada Berbera ee waqooyiga Soomaaliya, waana mid ka mid ah shilalka gaadiid ee ka dhaca waddadan oo ah mid buuro iyo mashquul badan.