Wararka ka imaanaya dalka Suuriya ayaa sheegaya in ruux kaligii duul ah uu weerar toogasha ah ka fuliyey bartamaha dalkaas, xilli roondo ay ku jireen askar iyo saraakiil ka tirsan Maraynkan.
Ugu yaraan laba askari oo American ah ayaa lagu dilay weerarkan ka dhaca Suuriya, waxaana sidoo kale lagu dhaawacay Saddex kale.
Taliska dhexe ee Maraykanka ayaa xaqiijiyay in weerarka kaligii duulnimo dhimasho iyo dhaawac ay kaga noqdeen 5 askari, welina lama shaacin darajooyinka iyo magacyada askarta dhegta dhiiga loo darey.
Si kastaba, askarta Americanka ee ku sugan daafaha caalamka ayaa la kulma weerarro kaga imaanaya dadka diidan dulmiga guracan ee uu Maraykanku ka wado caalamka, waxaana dabaqaayadii bishii lasoo dhaafey sidan oo kale asrka American ah lagu diley gudaha Maraykanka.