Maleeshiyaatkaan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo hub fara badan ayaa waxay shirjaraa’id ku qabteen magaalada Carmo ee gobalka Bari iyagoona eedeyn xooggan u jeediyey maamulka ridada ee Siciid Deni.
Maleeshiyaatkaan ayaa sheegay in laga jartay mushaaraadkii ay qaadan jireen, iyagoona sheegay in la musuqmaasuqay agab dagaal ee ay heli jireen.
Waxay sidoo kale maleeshiyaatkaan sheegeen inay banaanka ka yihiin maleeshiyaatka ridada Puntland ilaa intii laga xalinayo cabashadooda.
Waxaa aad usoo badanaya gadoodka ay sameynayaan maleeshiyaatka ridada Puntland, iyadoona dhowr jeer oo hore maleeshiyaatka ridada maamulkaas,i oo ah kuwa gadoodsan ay la wareegeen qeybo kamid ah magaalooyinka Garoowe. Boosaaso, iyo Gaalkacyo, waxayna ka cabanayeen in laga jartay mushaaraadkii ay qaadan jireen.