Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose, ayaa sheegaya in xeebaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkasi lagu la’yahay doomo nooca kuwa kalluumeysiga ah iyo dhowr xubnood oo la socday.
Doomaha lagu wayaay xeebaha Kismaayo ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa 3 doonyood, kuwaas oo xeebaha ka baxay muddo hadda laga joogo 3 cisho ka hor, sida ay sheegeen ilo wareedyo deegaanka ah.
Warar qaar waxay sheegayaan in dabeylaha xooggan ee socda ay sababeen in la waayo doomaha iyo kalluumeysatadii la socotay, wallow warar kale oo soo baxaya ay sheegayaan in mid ka mid ah doomaha oo faaruq ah ama maran lagu arkay deegaanka Kiyunga oo dhaca xeebaha dhulka muslimiintu leeyihiin ee Laamu balse Kenya gumeysato.
Sare u kac dhanka qiimaha kalluunka ayaa laga soo sheegayaa magaalada Kismaayo, kaddib markii kalluumeysatadu ku adkaatay inay badda galaan oo qaar ka mid ah doomihii galay na la la’yahay.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in halkii kiilo oo kalluun ah maanta lagu kala iibsanayay Kismaayo lacag u dhaxayso 5.5 ilaa 6$, taasi oo lagu tilmaamay qiimihii abid ugu sareeyay ee kalluunka lagu kala iibsado.