Xasan Sheekh Maxamuud oo ah madaxa kooxda Ridada Soomaaliya ayaa markii ugu horraysay faah faahin ka bixiyay waxa uu salka ku hayo khilaafka kala dhaxeeya dowladda Imaaraatka Carabta.
Kalimad uu jeediyay Xasan Gurguurte ayuu ku sheegay in dowladda Imaaraatka Carabta ay si xun ubahdishay kooxda Ridada ayna ula dhaqantay sida koox liidata oo aan jirin.
Xasan Sheekh ayaa dowladda Imaaraatka ku sifeeyay mid halis ku ah midnimada soomaalida islamarkaana gacmo kala duwan kula tacaamusha maamullada dalka ka jira oo uu ula jeediyo maamullada ashaadda ladirirada ah ee ay dabadhilifyada isla yihiin.
Dhinaca kale shirkadda dekadaha Imaaraatka ee DP World ayaa ganafka ku dhufatay amarkii kasoo baxay kooxda Riddada ee farayay in imaaraatku isaga baxaan dekadaha Kismaayo,Boosaaso iyo Berbera.
Mas’uul uhadlay shirkadaha dekadaha Dubai ayaa usheegay wakaaladda wararka Reuters in warka kasoo baxay Muqdisho uusan iyaga khuseyn islamarkaana ay kasii shaqeyn doonaan dekado ay kamid tahay Berbera.
Mas’uuliyiin katirsan maamulka Yahuudda ayaa usheegay warbaahin laga leeyahay Mareykanka iyo dowladda Imaaraatka ay kala shaqeysay aqoonsiga ay siiyeen maamulka isku magacaabay Somaliland ee ka jira gobollada waqooyi galbeed Soomaaliya.