Xogo faahfaahsan ayaa kasoo baxaya weeraro cagmarin ah oo ciidamo ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin saaka kula jarmaadeen saldhigyo ciidan oo maleeshiyaadka murtadiinta ah kaga sugnaayeen duleedka degmada Warsheekh ee wilaayada Sh/dhexe.
Weerarada cagmarinta waxat ciidamada mujaahidiintu ku xasmiyeen ilaa afar xero oo maleeshiyaadka Riddada ay ka daganayeen duleedka degmada Warsheekh, waxaana halkaas gumaad daran loogu gaystay maleeshiyada Riddada, gaadiid ciidan, hub iyo agab ciidan ayaa sidoo kale lagu soo qaniimeystay.
Wararka horudhaca ah ee laga helayo khasaaraha murtadiinta ku gaaray weerarkii cagmarinta ee duleedka degmada Warsheekh waa dhimashada 21 askari oo murtadiin ah, halka sidoo kalena lagu dhaawacay 11 kale.