Ciidamada guutada qaraxyada Shabaabul Mujaahidiin waxay saacadihii lasoo dhaafay howlgal culus oo qarax ah ka fuliyeen gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kaasi oo lala beegsaday sarkaal sare oo ka tirsan Booliska kooxda Riddada Soomaaliya.
Qaraxa oo ahaa mid culus oo jugtiisa laga maqlay qaybo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa si gaar ah uga dhacay degmada Shibis, waxaana Allaah fadligiis qaraxa lala eegtay gaari uu la socday murtad Gen. Cabdirisaaq Afgaduud oo ah Taliyaha Hoggaanka Caafimaadka ee Booliska Riddada.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in howlgalkaasi Allaah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay, murtadka la beegsaday ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus, iyadoona goobta uu ku gubtay gaariga qaraxa lala eegtay.