Xukuumadda dabadhilifka Masar ayaa qorshaynaysa sidii ay qeyb uga noqon laheyd damaca dowladda xabashida Itoobiya ee ku qotoma qabsashada biyaha geeska qaaradda Afrika si ay dekado ugu hesho shacabkeeda boqolka Milyan kor udhaafaya.
Ilo wareedyo lagasoo xigtay mas’uuliyiin Masaari ah ayaa sheegaya in xukuumadda Al Qaahira ay R/wasaaraha Itoobiya usoo bandhigtay arrin isbedel lama filaan ah ka abuuri karta loollanka geeska qaaradda Afrika, taasi oo ah in Masar ay Xabashida ku gacansiinayso gaaridda marin badeed balse waxaa ku xiran hal shardi oo ah in Itoobiya ay wada xaajood ka ogolaato biya xireenka Al Nahda ee laga dhisay webiga Niil.
Wargeysha The National ayaa sheegay in dowladda Ridada Masar ay xukuumadda washington lawadaagtay soo jeedintan cusub oo banaanka soo dhigaysa isbedelka ku yimid mowqifkeeda ku aaddan in Itoobiya gomodaha soo dhigto biyaha badda Cas.
Wararka ayaa intaas ku daraya in madaxweynaha dowladda Saliibiyadda Mareykanka Donald Trump uu qorshaynayo in uu uyeero Alsiisi iyo Abiy Axmed si arrintan dhab loogu wajaho.
Dowladda dabadhilifka Masar ayaa dhowr jeer uballan qaadday kooxda Ridada soomaaliya in ay ka gacan siinayso difaaca Badda Soomaaliya balse taas bedelkeed ayay Masar ka shaqeynaysaa sidii Itoobiya ay usoo gaari laheyd badda Soomaaliya.
Maalmo ka hor ayuu R/wasaaraha Xabashida Itoobiya ku celiyay in ay ka go’antahay qabsashada dekado kuyaal geeska Afrika isagoo carrab dhabay Soomaaliya iyo Ereteriya.
Haddii labada dhinac arrintan isku afgartaan ayuu jiha cusub aadi doonaa loollaanka geeska Afrika waxaana wajahidda Itoobiya ee dhanka badda ku kali noqon doonta dowladda Ereteriya taasi oo kal hore isku diyaarisay dagaal ay lagasho Itoobiya.