Dowladda Saliibiyadda ah ee Eratariya ayaa si adag u cambaareysay isla markaana daandaansi iyo abaabul dagaal ku tilmaantay dhoollatus millatari oo maalmo ka hor dowladda Xabashida Itoobiya ay kusoo bandhigtay magaalada Hawassa ee koonfurta Itoobiya.
Dhoolatuskan oo si gaar ah uga dhacay Taliska Hawl-gallada Gaarka ee Itoobiya iyo sidoo kale hadallo goobtaasi ay ka jeediyeen madaxda ugu sarraysa maamulka Addis Ababa ayay Eretariya ku tilmaantay tallaabo halis gelin karta xasilloonida gobolka.
Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in la dhisay ciidan si gaar ah loo tababaray oo ka hawl-geli doona badaha Soomaaliya ilaa dekedda Masawac ee Eretariya, isagoo xusay in sidoo kale ciidamadaasi ay awood u leeyihiin inay ka dagaallamaan dalalka deriska.
Wasiirka Warfaafinta Erateriya, Yemane Gebremeskel, ayaa ku eedeeyay Itoobiya faragelin iyo hurin colaadeed, isagoo sheegay in hadallada Abiy ay yihiin kuwo naceyb ku dheehan yahay oo ka dhan ah madaxbannaanida deriska.
Xiisadda labada dal ayaa kasii daraysa marba marka ka dambaysa, iyadoo falanqeeyayaal arrintan ka hadlay ay sheegeen in Itoobiya ay waddo dhul-ballaarsi, iyagoo ka digay suuragalnimada iska-hor-imaadyo hor leh oo ka dhex qarxa maamullada Addis Ababa iyo Asmara.