Shilkan diyaaradeed, ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan ka tirsan ismaamulka Nandi ee dalka Kenya, halkaas oo ay ku dhinteen ilaa lix qof oo uu xildhibaan ku jiro.
Warbaahinta maxalliga ah ee Kenya, waxay sheegtay in shilka oo ay gashay diyaarad nooca kuwa qumaatiga u kaca ee Helicopter-ka loo yaqaanno uu si gaar ah uga dhacay kaynta Chepkieb ee kutaal deegaanka Mosop ee dhaca ismaamulka Nandi.
Diyaaradda ayaa lasoo wariyay inay burburtay wax yar kaddib markii ay isku dayday inay ka duusho meel u dhow kanyta, goobjoogeyaal ku sugan aagga ayaa shilka u sababeeyay aragtida oo ahayd mid aad u yar, maadaama uu deegaanku roob ka da’ay.
Lix qof oo uu ku jiray xildhibaan ka tirsan baarlamaanka saliibiyiinta Kenya, oo lagu magacaabi Johana Ng’eno, ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen shilkan diyaaradeed.
Wararku waxay intaas kusii darayaan in dadka ku dhintay shilka uu ka mid yahay duuliyaha diyaaradda, waxayna diyaaraddu siday shan rakaab ah oo ay kasoo qaadday deegaan lagu magacaabo Endebess.
Waa mid ka mid ah shilalka diyaaradeed ee ay ku dhintaan saraakiisha iyo dadka rakaabka ah ee Kenya, 18-kii Abriil 2024-kii ayay ahayd markii shil diyaaradeed oo ka dhacay ismaamulka Elgeyo-Marakwet uu ku halaagsamay General Francis Ogolla oo ahaa taliyihii diidamada difaaca saliibiyiinta Kenya.