Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in tobanaan askar iyo saraakiil ah oo katirsanaa maamulka Ashahaadda ladirirka Koonfur galbeed ay goosteen ayna ku biireen dhanka maleeshiyaadka mucaaradka ah.
Guddoomiyihii maxkamadda daaquuda maamulka Riddada Koonfur galbeed iyo ciidamo uu wato ayaa kubiiray maleeshiyaadka mucaaradka ah ee saldhigyada ka sameystay duleedka magaalada Baydhabo.
Cadullaahi Macalin Ibraahim oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in isaga iyo maleeshiyaad daacad u ahaa Cabdicasiis Laftagareen ay soo goosteen ayna qeyb ka noqon doonaan abaabullada dagaal ee lagu doonayo in lagu rido maamulka sida uu hadalka udhigay.
Wararka ayaa intaas ku daraya in kala shaki xooggan uu soo kala dhaxgalay madaxda maamulka Riddada Koonfur galbeed waxayna dhinacyadu wadaan abaabullo xooggan oo ay isugu diyaarinayaan dagaal kama dambeys ah.